Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-yaasiin Maxamed Faarax tartanka Jaaliyadaha oo markii kowaad laga qaban doono Somaliland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in koobkan loo mudeeyay inuu furmo haddii ILLAAHEY yidhaahdo afar toddobaad kadib.
Waxa uu xusay in ay ka rajeynayaan inay guul iyo horumar u horseedi doonaan Jaaliyadahan loo qabanayo koobka kubada cagta.
Waxaanu yidhi. "Waxa farxad ii ah inuu hirgelo koobkii mudada badan soo socday, ee ahaa Jaaliyadaha, waxa ka qaybgeli doona toban Jaaliyadood, kuwaas oo ku nool dalka gudihiisa.
Kuwaas oo kala ah, Suudaan, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, Baakistaan, Hindiya, Suuriya iyo Yemen, waan uga mahadnaqaya cidkasta oo suurtagalnimada qayb ka qaadatay, waxaan rajeynaya haddii ALLE yidhaahdo iyo koobkaasi si fiican inoogu qabsoomo, 4 toddobaad kadib ayuu furmi doonaa,”
Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in ay tartan kubada cagta ah ay u qabanayaan bulshada Maqalka naafada ka ah.
Waxaanu yidhi."Waxa ka soo horeyn doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo koobkii dadka Maqalka naafada ka ah, waxaanu fileyna in aad waddanka horumar ku soo kordhin doontaan”