Ujeedada Hadhimo-sharaftan ayaa ahayd in madaxweynuhu si kulan...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hadhim-sharafeed ku maamuusay saxaafadda madaxa bannaan iyo midda dawliga ah ee dalka.
Munaasibadda hadhimada ah ee uu madaxweynuhu ku maamuusay waxa kala qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.
Ujeedada Hadhimo-sharaftan ayaa ahayd in madaxweynuhu si kulan furan uu xog-waraysi ula yeelan lahaa saxaafadda dalka, islamarkaana loo xoojin lahaa jawiga wada shaqayneed ee xukuumadda iyo saxaafadda.
Ugu horrayn xubno ku hadlay afka ururrada kala duwan ee saxaafadda ee dalka ka dhisan oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay kulanka uu ku martiqaaday saxaafadda dalka, waxana ay madaxweynaha ku ammaaneen wada-shaqaynta iyo xidhiidhka dhaw ee isaga iyo xukuumaddiisuba la leeyihiin saxaafadda iyo saxafiyiinta.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa warbaahinta dalka uga mahadnaqay sida ay u ilaaliyaan qarannimada iyo wada-jirka bulshada, isaga oo ugu baaqay inay sii wadaan dedaalka iyo ku taageerayaan tallaabo kasta oo ay xukuumaddu dhinaca horumarka u qaaddo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo la hadlay saxaafadda uu maanta casuumay, ayaa ka marag kacay dedaalka saxafiyiintu ugu jiraan qaran-dhiska iyo toosinta hadba cidda bulshadu hoggaankeeda u igmato, waxana uu ballan ku qaaday inuu la shaqaynayo saxaafadda, isaga oo xubnaha xukuumaddiisa amar ku siiyey inay saxafiyiinta siiyaan xog kasta oo ay xaq u leeyihiin.