Xubinta labaad ee barnaamijka caafimaadka hadhwanaagnews.com todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa faa’iidooyinka cabitaanka laga sameeyo Basasha iyo xanuunada lagu daweeyo, inta aynu xubintan ku jirno waxa aynu ka wada faa’iidaysan doonaa sida loo sameeyo cabitaankan iyo qaabka ugu haboon ee loo isticmaali karo.
Dhinaca kale xubinteena labaad waxa aynu ku sharaxi doonaa xanuunada lagu dawayn karo cabitaanka Basasha iyo noocyadooda kala duwan, inaga oo soo qaadan doono xanuun kasta iyo sida loogu dawaynayo cabitaanka Basasha.
Gebo’gabada xubinteena labaad ee barnaamijka caafimaadkahadhwanaagnews.com waxa aynu ku tilmaami doonaa faa’iidooyinka kale ee laga helo cabitaanka Basasha
Basasha waxaa laga samayn karaa cabbitaan dawo ah!
Shabakadda Bold Sky oo Arrimaha caafimaadka wax ka qorta ayaa dhowaan faafisay Warbixin caafimaad oo tilmaamayso in basashu ay qani ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, caabuqa iyo bakteeriyada. Sida oo kalana ay hodan ku tahay Faytamiinnada A, B, C, Asiidhka Foolik iyo macnado ay ka mid yihiin calcium, phosphorous, magnesium, sulfur, chromium iyo iron.
Marka aynu soo ururinno faa’iidooyinka tirada badan ee basasha waxaa ka mid ah:
Dhimista Miisaanka
In qofku uu maalin kasta qaata 100 ml oo sharaab basala ahi muddo siddeed toddobaad ah waxa uu si weyn u yareeyaa dufanka ku urrua caloosha iyo dhexda, waxa aanu yareeyaa heerka kalastaroolka dhibaatada keena.
La Dagaalanka Xanuunnada Wadnaha
Basasha oo sharaab ahaan loo isticmaalaa waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga oo sababa in xididdadu xidhmaan, waxa aanu caawiyaa in halbawleyaasha dhiiggu aanay adkaan.
Sida oo kale waxa ay caawisaa hoos u dhigista heerka asiidhka ‘Homocysteine’ taas oo ka hortagta in wadne xanuunku uu goor hore meel sare ku gaadho qofka.
Xanuunnada Indhaha
Sharaabka basashu raadad badan oo togan ayaa uu ku leeyahay daweynta caabuqa guud iyo xanuunnada indhaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin ‘Conjunctivitis’ (Daafka ama indha guduudka) iyo xanuunka indhaha ololka iyo bararka ku keena ee ‘Blepharitis’.
Daadashada Timaha
Muddo laba bilood ah oo maalin kasta madaxa la mariyo muudka basasha, iyada oo marka hore la dhukurayo waxa ay timaha ka ilaalisaa daadashada, sidaas awgeed waxa ay ka hortag fiican u noqon kartaa bidaarta.
Lafa Burburka / Is Liska Lafaha Ee Osteoporosis
Lafaha oo waaya ama lumiya cufnaanta macdaneed ayaa keenta in ay jilcaan si fudud isu lisaan isla markaana ay burbur keenaan, taas oo ah xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno Osteoporosis.
Xanuunkani waxa uu si gaar ah ugu badan yahay haweenka, gaar ahaan waxa uu ku dhacaa marka ay da’da caada deyska gaadhaan. Cilmibaadhiso lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in raadka togan ee muudka basashu ku leeyahay lidka mariidku ay caawiso in ay dib u wanaagsanaadaan cufnaanta lafuhu.
Marka maalin kasta la cabbo 100 ml oo basal la miiray ah, muddo siddeed toddobaad ah, waxa la dareemayaa isbeddelk weyn oo ku yimi caafimaadka iyo quwadaysiga lafaha. Waxa kale oo uu cabbitaanka basashu caawiyaa daweynta xaaladaha caafimaad darro ee kale ee la xidhiidha lafaha.
La Dagaalanka Xanuunka Macaanka
Cabitaanka basasha laga sameeyaa waxa uu boqolkiiba 50 yareeyaa heerka Gulukoosta ku jirta dhiigga qofka qaba xanuunka macaanka noociisa labaad. Waxa kale oo uu cabbitaankani ka qayb qaataa dib u cusboonaysiinta unugyada ‘Beta’ ee ganaca oo marka ay dhaawacmaan sababa xanuunka macaanka, kaddib marka uu ganacu soo saari kari waayo maadadda sonkorta gubta ee Insulin.
Dawada Xasaasiyadda
Cilmibaadhis lagu sameeyey raadka uu muudka basashu ku yeelan karo waxyaabaha sababa xasaasiyadda jidhka bani’aadamka, waxaa lagu ogaaday in cabbitaanka basasha laga sameeyaa uu si weyn u caawin karo yaraynta barootiinnada ‘Inflammatory cytokines’ oo iyagu sababa xasaasiyadda maqaarka iyo xanuunnada kale ee shabbaha sida xiiqda.
Waxa Ay La Dagaalantaa Qabowga Iyo Hargabka
Basashu waxa ay ka mid tahay dawo guriga lagula dagaalamo hargabka iyo noocyada duriga ee qabowga ku yimaaddo. Basal la miiray oo lagu daray in yar oo malab ah ayaa dawo waxtar muuqda leh u noqon kara habdhiska neefsiga iyo hargabka.
Daraasadaha lagu sameeyey faa’iidooyinka muudka basashu waxa ay tilmaameen in dareeraha laga miiro basasho uu caawin karo yaraynta bararka iyo xidhanka ku dhaca marinnada neefta, isla markaana uu yareeyo caabuqa ku dhaca. Isla markaana uu ka takhaluso balqanka iyo xabka ka dhasha hargabka ee xidha marinnada neefta.
Caafimaadka Ilkaha
Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in raadka liddiga ku ah jeermiska ee ay caanka ku tahay basashu uu sida oo kalana ka takhaluso suuska ilkaha ku dhaca iyo caabuqa cirridka.
Ka Hortagga Burooyinka Kansarka Ah
Cilmibaadhiso lagu sameeyey waxtarka caafimaad ee basashu jidhka u leedahay ayaa daahfuray, in muudka basashu uu caawin karo ka hortagga faafitaanka kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka, sida oo kalana uu faa’iido u leeyahay ka hortagga noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sida kansarka ku dhaca naaska iyo midhicirada.
Faa’iidooyin Kale
Faa’iidooyinka kale ee uu cabbitaanka laga miiro basashu leeyahay waxaa ka mid ah, in uu joojiyo dhiigga ka furma sanka, in uu madax xanuunka daran daweeyo, in uu daweeyo xanuunka qaaxada, in uu dhaqso u daweeyo findoobka, in uu yareeyo garaaca iyo xanuunka xubnaha iyo xaglaha iyo in uu daweeyo gubniinka fudud.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!