Dhibaatadii aan ka maray Xanuunka Depression ka iyo Social anxiety

Friday January 17, 2025 - 14:59:35
Hadhwanaagtv
Mudo kadib waxaa dhacday in waalidkay ay ii direen Hargaysa


Mudo 6 Sano laga joogo ayaa waxaa ugu dhacay Niyad jab waxaan ka Go'ay Cunadii iyo hurdadii Guud ahaanba waxaa iga lumay xiisihii, Timaha iskama jari jirin labiskaygana kama taxadari jirin.
Lixdaa sano dadka dhexdooda waan ka cararayey oo qolkayga kamasoo baxayn dadkana indhohooda mafiirin Kari jirin Somaliduna nin waalan bay ii yaqaaneen oo Xataa Caruurta way iga Ilaashan jireen taas oo yaduna marugadii iigasii siyaadisay.

Waxaan lumiyey dhamaan Saaxiibadaydii, dadka oo dhan waxaan moodi jiray inay aniga I Caayayaan oo wax iga wada Sheegayaan taas oo Sababtay in dadkoo dhan aan Cadowgayga u arko.
Mana Is lahayn lixdaa Sano Inta Kiniini lagusiiyo baad Walwalkan walbahaarkan iyo murugtan ku daashatay ka Boksoonaysaa.

Mudo kadib waxaa dhacday in waalidkay ay ii direen Hargaysa Si'aan ula kulmo Sheekh Maxamed Ismaaciil oo Cilaaj ku haysta hargaysa Sheekhii markuu I waraystay Quraana igu Akhriyey wuxuu ii sheegay in wax Jiniya anay ihaynin Xanuunkaygana Phobia lagu magacaabo kadib Tigidh yar buu Isiiyey wuxuuna iyidhi tigidhkaa qaado oo dhakhtarkaa lakulan.

Dhakhtarkii markaan lakulmay oo uu iwaraystay Wuxuu isiiyey labo daawo oo kala ah (Proxetine iyo Deprex) 3 Cisho yadoo anay kasoo wareegin ayaan Saamayteedii dareemay Mudo Bil ah markaan wadayna Caafimaad anan waliga arag baan daeeemay.

Maanta 6 Bilood baan daawada wadaa Noloshaydu Gabi ahanba way is badashay awel dhimashada ayaan jeclaa hadase nolosha ayaan jeclahay waan Shaqaystaa waxna waan bartaa Alxamdulilaah Mahad oo dhan Ilahay baa iska leh kadibna waxaa Janada Ilaahy uga baryi Sheekh Maxamed Ismaaciil iyo Dhakhtarkayga oo aanan magiciisa hayn laakiin ka Hawlgala Cisbitaalka Xabiiibo Xanaan Hargaysa.
Calaamadaha depression ka waxaa ka mida

1. Murug aan dhamaanayn
2.Hurdo yari
3.Cuno yari
4.Qofka oo marwalba is eedeeya
5.Nolosha oo uu qofku noco
6.xiisaha oo qofka ka luma
7.Qofka oo dhimashada jeclaysta

Hadaba fadlan hadii aad Isku aragto Calamadaha Depression ka ama social anxiety dhamaantood ama qaar kamida ila soo Xidhiidh Si'aan Caawimaad kuula raadiyo Xanuunka waxaa dareemi kara qofka soo maray.
Lana soco Xanuunkan si sahlan baa lagu daawayn karaa balse marka oo uu kugu raago wakhtiga daawayntiisu way dheeraanaysaa wuxuna u gudbayaa stage kale.
Isdaawee wll kuna raaxayso nolosha


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...