HADHWANAAGNEWS
Warbaahinta AfriNews 24 ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay bilowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan si ay aqoonsi caalami ah uga hesho Maraykanka, ka dib markii ay dhawaan xidhiidh rasmi ah la samaysay Israa’iil. Warbixintu waxay xustay in magaalo madaxda Maraykanka ee Washington ay noqotay goobtii ugu dambeysay ee ololahan, iyadoo Somaliland ay adeegsaneyso shirkado xirfadlayaal ah oo xidhiidh dhow la leh xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo qaadat furan tallaabooyin diblomaasiyadeed oo aan caadi ahayn.
AfriNews 24 ayaa sheegtay in Somaliland ay la gashay shirkadda Nespoinet ee fadhigeedu yahay Dallas heshiis istiraatiiji ah, kaas oo loogu talagalay soo jiidashada saraakiisha Maraykanka iyo dhiirrigelinta aqoonsiga Somaliland. Isla markaana Shirkaddu ay sidoo kale ka shaqayn doonto soo jiidashada maalgashi shisheeye, iyadoo Somaliland loo soo bandhigayo inay tahay lammaane xasilloon oo istiraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika. Warbixintu waxay tilmaantay in tallaabadaasi ay tahay mid muhiim u ah xaqiijinta booska ay Somaliland ku leeyihiin masraxa caalamka.
Dhinaca kale warbixintu waxay sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taalla goob istaraatiiji ah ay si weyn u soo jiidatay tartankan diblomaasiyadeed ee quwadaha caalamka iyo gobolka sida Imaaraadka Carabta. Iyada oo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ay ka dhigtay arrintan mid xasaasi ah oo saameyn ku leh marin-biyoodyada istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas. Sidoo kale maalgashiga ballaadhan ee Isutagga Imaaraadka Carabta ku sameeyay Berbera, ay tahay tallaabo kale oo muujineysa doorka dhaqaale ee gobolka iyo xiisaha caalamiga ah ee Somaliland.
Warbixintu waxay sidoo kale muujineysaa in ololaha Washington uu noqday goob loollan caalami ah oo ay ku lug leeyihiin quwado waaweyn, shabakado olole, iyo dano istiraatiiji ah oo baahsan. Waxa kale oo ay sheegtay in tartankankani yahay mid ka tarjumaya xiisadaha siyaasadeed, awoodda gobolka, iyo doorka ay xulafada Bariga Dhexe ka ciyaaraan siyaasadda Geeska Afrika.
Sidoo kale waxa lagu xusay warbixinta ay daabacday AfriNews 24 in Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Somaliland uu kalsooni buuxda ka muujiyay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye ay gacan ka geysan doonaan xaqiijinta aqoonsi caalami ah iyo sharciyaynta madaxbannaanida Somaliland.