Guddida Diiwaangalinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo Kaah guddoonsiisay Shahaadada Xisbinimo ee tobbanka sanno dalka ka jiraaya.
Munaasibad balaadhan oo saddexda xisbi lagu guddoonsinaayo shahaaadada xisbinimo ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, guddoomiyayaasha saddexda xisbi, aqoonyahan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Hoggaaminayeen saddexda xisbi qaran ee la guddoonsiiyey Liisamada tobanka sanno ee soo socda, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in umadda Somaliland ay muujiyeen heerkooda dimquradiyadeed oo keentay in siyaasadda ay jaangooya saddex nin oo isku gobol kasoo jeeda taasi oo meesha ka saartay qaybaaladii xisbiyada loogu kala abtirin jiray.
Guddoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xisbiyada siyaasadu ay yihiin madal lagu sargooyo siyaasadda qaranka waxana uu yidhi "waa maalin kale oo taariikhiya, waxaa aynu si rasmiya ugu wanqalaynaa Saddexda Xisbi Qaran ee jaan goynaya siyaasada Somaliland Toban sanno ee socda, xisiyada siyaasadu waa madal lagu sargooyo siyaasadaha qaranka iyo dugsi lagu soo carbiyo siyaasiyiinta”.
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo madasha goob joog ka ahaa ku dheeraday ahmiyada ay leedahay in umaddu ku dhaqanto wixii ay ku heshiyeen ee meesha dhigteen waxana uu yidhi "Gobanimadu waxay tahay in ummadi wixii ay dhigatay ay ku dhaqanto go’aanka kasoo baxana ay aqbasho”
Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa saddexda guddoomiye gudoonsiiyey shahaadada xisbinimo ee toban sanno.