Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aanu xisbigiisu caqabad ku noqon doonin guddida Doorashooyinka Qaranka, kuna kalsoon yihiin shaqada hayaan, si lamida tartankii doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururrada.
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay barmaamuj kulan ah oo su’aallo lagaga waydiiyey arrimaha Doorashooyinka Baarlamanka ee soo socda iyo muwaaqiifta xisbigiisa.
Su’aallaha la waydiiyey waxa kamid ahayd mowqifka ay xisbi ahaan ka qabaan guddida Doorashooyinka, maadaama uu xisbiga Kaah ku cusub yahay saaxadda Xisbinimada, kana mid ahayn saamileydii wada dhisay xubnaha iminka joogga ee Komishanka.
"Guddida Doorashooyinku shaqo fiican ayey qabteen. Waa dhab xisbiga KAAH waa xisbi cusub, xubinna kuma laha guddida doorashooyinka, annagoon waxba ku lahayn ayaanu annaga iyo ururraddii kaleba sidaa ku galnay oo aanu ku aaminay masuuliyaddii ay hayeen” ayuu yidhi Md. Xaashi.
Waxaanu intaasi ku daray "..maantana caqabad ku noqon mayno guddida Doorashooyinka oo toosh ku ifin mayno annagoo xaq u leh oo odhan karna guddida Doorashooyinka ma aaminsanin, haddana dareenkaasi naga soo bixi maayo” ayuu sheegay.
Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu ka hadlay suurto-galnimada dib-u-dhac ku yimaada Doorashada goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee sanadka 2026 iyo caqabadaha keeni kara, waxaanu caddeeyey inay aaminsan yihiin xisbi ahaan inay wakhtigooda ku qabsoomaan Doorashooyinkaasi.
"Annagu waxa aanu aaminsanahay in Doorashooyinka wakhtigooda la qabto xisbiga Kaah haddaanu nahay. Waxaanu arragnaa caqabado badan oo ka sokeeya Doorashada in la qabto oo u baahan in la xaliyo oo aan indhaha laga qarsan Karin oo haddii hore loo geli waayo oo laysula meel dhigi waayo hadhow soo bixi doona, keenayana madmadow soo galo qabsoomida Doorashada..”
Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu dambeyn sheegay inay Madaxweynaha iska arki doonaan wada-tashi la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka soo fool leh oo ay hadda dabeyshoodu dalka ka bilaabantay.