Midnimo iyo Wadajir: Fariin ku Socota Shacabka Somaliland Eng: Siciid Dhakooshe

Saturday January 04, 2025 - 18:51:01
Hadhwanaagtv
Ugu dambeyn, waxaa lagama maarmaan ah in shacabka reer Somaliland


 

Somaliland waxay maanta ku sugan tahay xilli xasaasi ah oo u baahan wadajir, midnimo, iyo taageero bulsho oo buuxda. Waxaa muuqata in cadowyo badan oo Somaliland ah ay ka faa’iideysanayaan khilaafaadka gudaha, si loo wiiqo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Waa waajib in aan si wadajira uga hortagno dhibaatooyinka iyo khataraha taagan, maadaama guusha Somaliland aysan ahayn mid cid gooniya ka faa’iidi doonto balse ay tahay mid guud oo shacabka oo dhan ay ku wada jiraan.

 

Waxaa muhiim ah in si cad loo fahmo in colaadda iminka lagu soo qaaday Somaliland aan laga hortagi karin haddii aan lagu mideysanayn talo iyo ficil. Dowladdan cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cigaal Cirro) waa fursad qaran oo u baahan in shacabka oo dhan ay garab istaagaan, iyaga oo ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa xal nabadeed iyo difaac wadajira oo Somaliland lagu badbaadinayo.

 

Dadka ku mashquulsan inay fashiliyaan xukuumaddan cusub waa inay ogaadaan in fashilka dowladdu uu yahay fashilka qaranka Somaliland oo dhan. Ma jirto cid gooni ah oo wax ku waayi doonta, balse dhammaanteen ayaa ku wada khasaari doona haddii aan la garab istaagin xukuumadda si looga gudbo caqabadaha jira.

 

Waxaa lama huraan ah in shacabka reer Somaliland ay ku mideysnaadaan taageerada dowladdan cusub iyo inay xoogga saaraan sidii xal mideysan looga gaadhi lahaa colaadaha iyo khilaafaadka taagan. Waxaan soo jeedinayaa in:

 

1. Marka hore nabad la raadiyo, iyadoo la ilaalinayo in cid kasta ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato nabadda iyo wadajirka qaranka .

 

 

2. Difaac xooggan loo diyaar garoobo , si loo sugo xuduudaha iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

 

 

3. Si wadajir ah loo mideeyo talada qaranka, oo aan laysku mashquulin eedeymo ama khilaafyo gudaha ah.

*

 

 

Ugu dambeyn, waxaa lagama maarmaan ah in shacabka reer Somaliland ay fahmaan in midnimada iyo wadajirka qaranku uu yahay furaha kaliya ee guul lagu gaadhi karo. Sidaas darteed, waxaan ku boorinayaa dhammaan shacabka in ay taageero buuxda siiyaan dowladdan cusub ee Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal Cirro, si aan uga midho dhalinno yoolkeenna qaranimo iyo nabadgelyo.

 

Somaliland waxay guul gaadhi doontaa haddii ay midnimo ku dhaqaaqdo!

 

Engr: Saeed dhakoshe

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...