U suurto galiyaan xabad-joojin bilaa shuruud ah,
Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay Gogol Nabadeed oo bilaa Shuruud ah, laakiin taa jawaabteedii ay noqotay in Bariga Somaliland weerarro is daba joog ah nalagaga soo qaado jihooyin kala duwan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrimahani aanay Xukuumadiisa niyad-jabin doonin waana sababta loo aasaasay Guddida Nabadda Qaranka si ay:
1. U suurto galiyaan xabad-joojin bilaa shuruud ah,
2. Ay fududeeyaan is-dhaafsiga maxaabiista,
3. Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga..
Madaxweynuhu waxa uu Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay Gobalka Geeska Africa. Sidaas tarteed ay Somaliland dalbanayso in Ururka Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkeynta iyo awoodeynta Lamaaha Amniga Somaliland JSL, si aanu awood ugu yeelano in aanu ka jawaabi karno ama aanu ka hor tagi karno khataraha waa weyn ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.