Waxa ay ku doodeen labadaasi Askari in ay Rasaasta ku rideen
Maamulka Xarunta Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Labo askari Oo Ka Tirsan Ciidamaddaas Ka dib markii ay Rasaas Ka dhex rideen Xalay Xarunta.
Waxa ay ku doodeen labadaasi Askari in ay Rasaasta ku rideen dad ay garan Waayeen oo soo Galay xarunta, waxaase loo Badinayaa in ay ka dambaysay Warqad Xalay lagu baahiyay Baraha Bulshada.
Waxa socota baadhis lagu ogaanayo Sababta keentay rasaasta.
Dhinaca kale Isla Xalay ayay Dibada u soo baxday Liiska magacyada dad badan oo Bulshada iskaga dhex jiray, dadkuna aanay kolnaba ka qabin dareen balse ku Xoolo qaadan jiray Sirdoonka leexsan.