Dedaal dheer oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL
"Ciidamada Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane Salmaan Cabdilaahi Siciid oo 10-1-2025 Mobile kaga qaaday gabadh Degmada Ibraahin Koodbuur sida ay qabatay Kamerada qarsoon ee (CCTV).
Dedaal dheer oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa eedaysanaha gacanta kusoo dhigeen, waxaanu Ciidanku ku raad-joogaa eedaysane kale oo baxsada.
Taliska Ciidamada Booliska JSL waxa uu ka codsanayaa in dhibantii laga qaaday Telefoonka in ay timaado Saldhiga Ibraahim Koodbuur si kiiskeeda loogu gudbiyo Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda awooda u leh."