Dagaalka Dacawalay

Saturday December 28, 2024 - 17:47:35
Hadhwanaag
Sida soomaalida hadda xeerka u noqotay dawladwaliba



Gabood fallo baahsan ayaa maalmahan ka socda deegaanka Dacawalay, taas oo ay qayb ka yihiin dadk deegaanka iyo ciidamada Liyuu Policeka ee Somali Galbeed. Dagaalkaas waxa ku dhimanay wiil Soomaaliyeed haybtuu doono ha yeesho, barina waa laheshiin. Waxase qalada oo ugub in maanta madaxdhaqameedkii nabadaynta deeganka ugu baxay la dhibaateeyay, lana xaqiijiyay in qaarkamidii geeriyoodeen.

Mudane madaxwayne Mustafe Cagjar inbadan intaad xilka haysay waa lagugu reeyay, deegaankuna xasilooni badanbuu helay, waxa lagugu tilmaamki karayay nin aragti dheer islmarkaana dagan marka la barbardhigo madaxda Soomaalida ee maanta joogta. Dagaalka dacawalay se waa bar madaw oo taariikhdada galaysa. Madaxwayne Mustafe waxaan ku xasuusinayaa kursigaa aad ku fadhido waakii reerkiina lagu dulmiyay gaar ahaan qoyskiina. Gaboodfalka Liyuu Policenku ka gaysanayaan Dacwalay waakii aad dagaalka ka gashay dibadwareegana u noqotay.

Madaxwayne kursigaas bariba waad ka tagi inta gacmaha iyo luga dhiiqo dhiigleh laguu galiyo. Lagana yaabee inay ku mariyaan jidkii madaxda gobalka Soomalida la marinjiray oo ah bahdil iyo jeel. Sidaas aawadeed dagaalkaas soo afjar. Dadka wada dhashay ee Arab iyo Ogaadeena yaan mardanbe dhiigoodu dhulka u dhicin.

Sida soomaalida hadda xeerka u noqotay dawladwaliba waxa haybteedu tahay ninka madaxda ka ah haybtiisa, sidaas aawadeed dagaalkaasi haddaan la joojin waxa loo turjimi doonaa beesha Ogaadeen oo shaadh dawladeed xidhan inay laynayso beesha Arab. Markaas dagaalkaas jooji. Maanta deegaankaas adaa ka taliya, sharafna way kuu tahay, haddii se uu dagaalku sii socdo la arkee in layidhaa ciidan federal ayaa la keeni taas oo aan dani kuugu jirin, amaba in ay ku soo racaan ciidamo federal oo dhibaateeyaan dadkaas kadibna colaadu intan kasii badato, dadkaagina qayb kamida kala irdhowdaan.

Soomaali inteeda kale gaar ahaan reer Sheekh Isxaaq waxaan xasuusinayaa waxa jiray xilli beesha Ogaadeen la ugaadhsanjiray. Waxa laga soo qaban jiray meel kasta oo Soomaali degto hawgu daraadaan Puntland, Somaliland iyo Djibouti. Waxaan xasuustaa dadkaas marka laqabto ee maamulkii Tigreega loo gacangaliyo in qaar badan oo kamida qorijireen ciidamada Liyuu Policeka iyagoo ka shaqaynjiray xuduudaha. Dadkaasi dhibaato baday ayay gadaal ka gaysanjireen ilayn teelo looma dhigane.

Waxaan arinta u xusay inaan ina xasuusiyo Axmaarka, Tigreyga iyo Oromadu ay Soomaali xaggooda mid ka tahay. Ama aynu isdilo ama aynu isdayno. Waa lagayaabaa in dawlada Federalku ay xumadjabin ku samayso dagaalka ka dhacaya dacawalay, laakiin ma dawayndoonto ee taa meel ku guntada. Xitaa haddii Hawd iyo Reserve Area laga hoosaaro Dawlad Deegaanka kuwo kaleba waa ka hoos baxeen waxyna noqdeen waxa Oromo qaadatay ama ay hadda rabto inay qaadato sida Diridhawa

Dadka Dacawalay dega sidoo kale waxay dagaan Somaliland, arintaasina wax cusub ma ah. Dadkuna xuduudka hadh iyo habeenba waa ka gudbaan, markaa ninka shufto ku sheegaya dadk xadka isaga gudbaya waa nimaan habeena jirin. Somaliland dani uguma jirto fadqalalo ka dhacda deegaankaasi. Sidoo kale Soomaaliland marnaba qayb kamay ahayn kamana ahaandoonto nabadgelyo darro ka dhacda xadkeeda. Waa war aan sal iyo raadtoona lahayn qofka Somaliland ku eedaynaya inay ku lug lahayd mashaqadan ay gaysteen Liyuu Policeku.

Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkan, in xasuuqa ka dhacay Dacawalay aan loo sinayn maanta oo masuuliyadeeda uu leehay Madaxwayne Mustafe Cagjar, waajibna ku tahay in la joojiyo, kuwii gaboodfalkaas gaystayna caddaalada la horkeeno. Beesha Ogaadeen iyo Arab ee Ilaah Meesha kuwada abuurayna uu heshiisiiyo. Meeshana ka saaro dooxata Liyuu Policeka oo ahaa kuwii shalayba Ogaadeen laynayay maanta Arab laynaya.


Abdikarim Ali

University of North Dakota

Grand Forks, ND

United States


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...