Meelaha xasuuq ka dhaco sida degaanka dacawalay ee degmada Xarshin ee DDS oo ay gaysteen Ciidanka Liyuu booliska iyo Mustafe Cajgar waxa loo baahan yahay in aan qaadno talaabooyin wax ku ool ah waana sidan:
1. In Aan Abuurno Kooxo Isku Dhafan:
Marka sidan oo kale uu dhaco xasuuq shacab ah loo gaysto, waxa ugu horeeya ee la qabtaa waa in la abuuro koox khubaro ah, oo ay ku jiraan kuwa ku takhasusay Baadhitaanada (Investigators), u dhaqdhaqaaqayaal arimo bulsho (Human rights activits), iyo dadka leh aqoonta ururinta iyo gorfaynta xogta (Data analysts).
Waxa iyaduna mudnaan leh inay kooxdaas ku jiraan dad ku takhasusay ururinta xogta dambiyada (forensic documentation), sharci yaqaano iyo dadka ku takhakhusay xalinta khilaafaadka (Conflict resolution experts).
2. In aan abuurno System Xog ururin (Develop a Secure Data Collection System):
Si loo ogaado inta ay leeg yihiin tacadiyada iyo xasuuqa, waxa mudnaan la siiya xogta laga helayo goobta wax ka dhaceen, waxa ugu mudan in la adeegsado Farsamo Technoloji ah sida (encrypted databases, Mobile Apps loogu talogalay diwaangalinta xogaha aadanaha sida "Kobo Toolbox ama Martus”.
3. Xaqiijinta Diwaangalinta Furayaasha Xogta:
Si loo helo xog sugan oo cadaynaysa baaxadda xasuuqa iyo tacadiyada, waa in la helo xog diwaangashan oo ah Meesha furayaasha u noqon doonta xogta waa in sidan xogta loo qaadaa:
§ Xogta dhibanaha: Magaciisa, Da’da, lab/dhedig I.w.m
§ Faahfaahinta dhacdada: waqtiga, goobta, habka ay u dhacday iyo magacyada dambiilayaasha waa in la diwaangaliyo, waxa kale oo Meesha aan ka madhnayn goobjoogayaasha waxay arkayeen.
§ Sawir qaadis iyo Muuqaal duubis:waa in la keydiyo xogta xasuuqa sida: in la qaado sawirada dadka la xasuuqay, guryaha la gubay, hantida ku baab’day i.w.m.
§ Diwaangelinta Cadaymaha Jidhka ah:waxa iyadana la diwaangaliyaa cadaymaha Jidheed dadka ka noolaaday xasuuqa iyo sidoo kale diwaangalinta xabaalo wadareedyada dadka la xasuuqay.
4. La shaqee xubnaha caalamka:
Marka xasuuq dhaco waxa mudnaanta la siiyaa in lala shaqeeyo Ururada dunida sida Qaramada Midoobay (United Nations), Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (International Criminal Court (ICC), iyo Amnesty International. Xubnaha Ururadan waxa lala wadaagaa xogta la xaqiijiyay ee goobta ka dhacday. Ururadani waxay awood u leeyihiin inay talaabo sharci iyo bini aadanimo ka qaadaan dadka xasuuqa gaystay goor ay la gaadhaba.
5. Wacyigelin iyo taageero raadsi:
ugu dambayntii marka sidan oo kale xasuuq loogu gaysto dad shacab ah, waxa muhiim ah in dadka degaanku ay kor u qaadaan wacyigooda, oo waaxda warbaahinta ay adeegsadaan sida social media, sidoo kale waa inay dadkaas lala gaadho taageero dhinac kasta ah.
W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!