Maxay tahay runta qadhaadh ee haddii aad aqbasho, noloshaadu wacnaanayso?

Tuesday December 17, 2024 - 12:26:03
hadhwanaagtv
Farxaddu waligeed ma waarto; waxba ha isku dhajin

1. Ma jiro qof kuu imanaya si uu kuu badbaadiyo. Baddi dadku ma oga ama ma garanayaan inaad u baahan tahay gacanqabasho; kii jeclaan lahaa in uu wax kuu qabtana, waxaa uu ku mashquulsan wadidda noloshiisa ; qofna ma rabo in uu wax kula qabto!

2. Hadalku waligii waxba ma baddalo. Waxaa uu kuu horseedaa uun, in uu kuu ishaaro waxyaabo kale oo ka fiican, dabadeed, waad beddashaa waxii aad rabtay. 99% waxaa kuu wanaagsan inaad iska aamusto oo aad ficil ahaan u samaysid ; halkii aad si weyn uga hadli lahayd , adiga oo aan waxba qabaneyn . Hadal yar iyo hawl badan. Intee shay oo aad tidhi waan qabanayaa/ waxaas baa samaynayaa , ayaa si dhab ah u samaysay? Immisa ayaa tidhi, waan qabanayaa oo aannad samayn?

3. Farxaddu waligeed ma waarto; waxba ha isku dhajin. U riyaaq marka ay jirto; u ogolow marka ay rabto in ay tagto , ha tagto. Isku dayga inaad sii xajisatid farxadda, waxa ay kaa dhigtaa mid aan faraxsanayn ; ogow in farxaddu marna timaaddo marna tagto.

4. Waxba kama beddali kartid tagtadii. Si kasta aad isugu daydo , waxa ay ahaanaysaa uun sida ay ahayd . Haddaba, iska yeelo oo iska aqbal. Wax ka baro, una dhaqaaq waxyaabo kale oo ka fiican. Ogolow in ay dhacday oo dhammaatay, balse adigu ha ka dhigin wax aan dhammaanayn; keliya wey dhammaatay. Waa inaad aqbashaa. Waa inaad naftaada maalgashataa oo deddaashaa. Waa inaad si garaad leh hadda u noolaataa.
5. Waxaad leedahay hal fursad. Daqiiqad kasta oo noloshaadu waa mar , haddii ay ku dhaaftana waligeed dib uma soo noqoto.

Maxammad Haybe Axmed.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...