Dalkeenan jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu tilmaamaa in ay ku nool yihiin noocyo fara badan oo duur joog ah, kuwaasoo qaarkood aanay kuba noolayn meello kale oo adduunka ah sida ay sheegaan khubrada ku takhasusay arrimaha xayawaanka iyo duur joogta.
Noocyadda xayawaanadda ay Somaliland gaarka u leedahay waxaa ka mid ah Gunburiga, oo la tilmaamo inuu ku nool yahay meelo kooban oo adduunka ah, isla markaana uu ka mid yahay xaywaanadda adduunka daba go’ay.
Waxaana la isku raacsan yahay goobo ka mid ah goboladda dalkeenan jamhuuriyadda Somaliland inuu ku nool yahay xayawaanka Gunburigu, balse uu yahay Gunburigu mid tiro ahaan aad u kooban marka loo eego duur joogta kale ee dalkeena ku nool.
Waxaanu Gunburigu wakhti xaadirkan ku nool yahay goboladda Sanaag, Sool iyo Saaxil, sida ay hore u sheegeen masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.
Hadaba qaybta koowaad ee qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doona warbixin ku saabsan Gunburiga, iyo meelaha la aaminsan yahay inuu ku nool yahay ee ka midka ah dalkeena.
Gumburigu (Somali Wild Ass) waa nooc duurjoog ah oo ka tirsan gaar ahaan qoyska Equidae (qoyska fardaha, dameer farowga, iyo dameeraha). Waxaa lagu gartaa jidhkiisa midabka cawl khafiif ah iyo xarriijimo madow oo ku yaalla lugaha, taasoo ka dhigaysa mid aad ugu eg dameer farawga.
Waa xayawaan aad u adkaysi badan oo ku noolaan kara deegaan cimilo qalafsan leh sida abaaraha iyo kulaylka, sida lama degaanka iyo dhulka buuraleyda ah ee Somaliland. Waxaa laga helaa deegaanno kulul, lama degaanno u ekaha ah, iyo dhulka buuraha ah, halkaas oo ay ka helaan cawska iyo dhir nacfi u leh.
Waa nooc duur joogta Somaliland hada ka dabar go’ay ku jira, balse ahaa mid aad ugu dul qaata biyo la’aanta, waxayna muddo dheer noolaan karaan iyaga oo aan cabbin biyo badan taas oo ay dameeraha kaga duwanyihiin.
Dabeecadooda
Gumburigu waa mid had iyo jeer ka dhiifoon (digtoon) xayawaanada wax ugaadhsada. Badanaa waxay u nool yihiin kali kali, balse mararka qaar waxaa la arkaa iyaga oo koox yar u wada socda.Waa kuwo dheereya markay noqoto dhanka orodka, taasoo u sahasha inay ka baxsadaan ugaadhsiga, ama xaywaanadda kale ee dugaaga ah ee cuni kara iyaga.
Khatarta iyo Ilaalinta
Gumburigu, waa xayawaan aad u yaraatay tarantiisu wixi ka danbeeyay markii gumaystuhu soo gaadhay gayiga Somaliland, xiligaas oo la bilaabay in Haragiisa laga ganacsado taas oo dhalisay in la ugaadhsado iyo sidoo kale meelaha qaar oo sida dameerka looga adeegsaday. Haatana wuxuu ka mid yahay xawayanaadka loo aqoonsaday inay khatar ugu jiraan inay dabar-go’aan.
Ugaadhsiga sharci-darrada ah, burburka deegaanka, iyo tartanka ay kula jiraan xoolaha la dhaqdo ayaa khatar geliyay jiritaanka Gunburiga. Waxaa jira dedaallo lagu bad baadinayo, gaar ahaan xannaanooyinka duur joogta iyo meelaha lagu ilaalinayo xayawaanka gaar ahaan kuwa ku yaala dalka Maraykanka oo hadda lagu hayo tiro kooban oo gumburi ah.
Gumburigu waa mid astaan u ah dhaxalka duur joogta ee Geeska Afrika gaar ahaan dhulka Somaliland, balse aan muhiimadiisa aad loo fahmin.
Qaybta labaad iyo qormadeena DEEGAAN JIRRE, ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadan doonaa xayawaanka loo yaqaano Garanuugta, taasoo iyadna ka mid noocyadda duur joogta ee uu dalkeenu caanka ku yahay.
Garanuugta ayaa la tilmaamaa in ay weligeedba caan ku ahayd duur joogta ugaadha ah ee dalkeena ku nool, isla markaana iyadu ka mid ah kuwa sanadahan danbe uu tarankoodu aad kor ugu kacay, iyadoona meelo badan oo goboladda dalkeena ah ay ku nooshahay.
Taariikh ahaan, iyo hidaha Garanuugta asalkeedu xagee ayuu ka soo jeedaa?
Magaceeda cilmiga ah: Litocranius walleri
Magaca caanka ah (Afafka kale): Gerenuk Qoyska : qoobleey (Bovidae). Garanuugtu, waa xayawaan cuna daaqa geedaha (herbivore) una eg deerada, laakiin leh qoor dheer.
Halkee ayay ka soo jeedda:
Garanuugtu, waxay asal ahaan ka soo jeedaa dhulka Somaliland, gaar ahaan dhulka hawdka iyo geed gaabka ah ee bariga iyo badhtamaha dhulka Somaliland, halkaasoo ay si wanaagsan ugu dhaqnayd mudo qarniyo ah.
Dabeecadaha Garanuugta (Lab iyo Dhaddig)
Labka Garanuugta: Waa mid leh Geeso dhaadheer taas oo u ah difaac isaga iyo dhiddigtiisaba.
Labku badanaa wuxuu ilaaliyaa dhulka daaqa (territory), waana uu difaacaa haddii xayawaan kale soo farageliyo. Jidhkiisuu waa mid awood ka muuqato marka loo eego ta dhaddig.
Dabeecad ahaan waa mid aan jeclayn in dhulkiis laga qaado, wuxuuna u tartamaa ama ku dagaalamaa ilaalinta tiisa dhaddig haddii uu kaligii daaq yahay.
Dhaddiga Garanuugta: Dhaddigu ma laha geeso. Waxay u socdaan koox yar yar ama keli keli, gaar ahaan marka ay ilma leedahay.Dhaddiga oo keliya ayaa korisa ilmaha taas, oo nuujisa ilaa uu ka koro ilmaha ay dhashaa.
Astaanteeda daaqa iyo saloolashada dhirta:
Qoorteeda dheer ayaa u sahasha in ay saloolato (daaqdo) dhirta dhaadheer oo aysan inta badan ugaadhta kale ee gaabani gaadhi karin. Waxay ku istaagta labadeeda lugood ee danbe iyadoo jeenyaha (lugaha) hore saarata geedka ay daaqayso afkeenana loo yaqaan (saloolasho).
Waxay daaqda caleemaha qoyan ee dhirta, ubaxa, iyo xaabka (caleenta qalashay) xiliga jidaalka. Waa nooca ugaadha aan biyaha badan u baahnayn ka mid ah, waxay biyo badan ka helaan dhirta ay daaqdo.
Had iyo jeer waa xayawaan digtoon (dhiifoon), aragti fog iyo feejignaan joogto ah leh, taas oo ka badbaadisa khatarta.
Maxaa dunida iyo Cilmi baadhistu ka yidhaahdeen Garanuugta?
Cilmibaadheyaashu waxay aaminsanyihiin in Garanuugtu ay asal ahaan ka soo jeedo geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida oo la aaminsan yahay in ay tahay xudunta ugu weyn ee tarankiisu ka bilaabmay.
Waana sababta afafka cilmi baadhista oo dhan u qaateen magaca Garanuug, marka laga reebo kuwo reer Yurub ah oo isku dayay inay magaca badalaan.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!