"Somaliland iyada oo aan la Ictiraafsanayn Way Ka Duwan Tahay Soomaaliya" Michael Rubin

Tuesday April 08, 2025 - 13:35:35
hadhwanaagnews
"Muqdisho waxay ku faraxsan tahay inay balaayiin doollar



Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa lagula taliyey in aanu xayiraad socdaal saarin Jamhuuriyadda Somaliland, xilli Mr. Donald Trump isku diyaarinayo inuu soo saaro xayiraad cusub oo dhanka socdaalka iyo fiisaha ah uu ku soo rogayo muwaadiniinta dalalka uu u arko inay khatar ku yihiin ammaanka ama kuwa sida sharci darro ah ku jooga Mareykanka.

 

Intii lagu jiray muddo xileedkiisii hore Trump wuxuu soo saaray dhowr amaro fulineed oo mamnuucayay gelitaanka muwaadiniinta ka socda 15 waddan ee dalka Maraykanka. Mar kale soo noqoshadiisu waxay keliftay inuu kordhiyo dalalka uu ku soo rogay Xayiraada fisaha iyo socdaalka, kuwaasoo uu ka dhigay 41 Dal.

 

Heerka xayiraadaha la saaray wadamadan, ayaa kala duwan, waxaana loo qaybiyey saddex qaybood oo kala ah, qaar ku jira Liisaska Casaanka, Huruuda iyo Jaalaha.

 

Dalalka safka hore ee xayiraadaha ku jira waxa kamida Soomaaliya oo Maraykanku u aqoonsan yahay hoyga Argagixisada iyo musuqmaasuqa Venezuela iyo Yemen.

 

"Muqdisho waxay ku faraxsan tahay inay balaayiin doollar ku qaadato gargaar, xitaa iyadoo ku dheggan Beijing oo ay si cad u taageerto kooxaha argagixisada. Musuqmaasuqa dowladda Soomaaliya ayaa u sahlay Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacidada maxalliga ah in ay dib ugu soo laabtaan duleedka Muqdisho” ayaa lagu yidhi maqaal uu baahiyey wargeyska washingtonexaminer oo ka soo baxa dalka Maraykanku 4-tii bishan April.

 

In Soomaaliya loo ogolaado sharciga dal ku galka Maraykanku waxay sahlaysaa inay kooxaha argagixisadu soo galaan gudaha dalkaasi, ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta uu daabacay Wargeysku. "In Soomaalida la siiyo fiisaha waa in argagixisanimo la geliyo dhulka Mareykanka”ayuu yidhi qoraaga Michael Rubin oo ah cilmi-baadhe ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo amaanka, kaasoo wargeyska Dawan uu ka soo xigtay warbixin uu qoray.

 

Michael Rubin, waxa uu sheegay in marka laga hadlayo amaanka dhulka Soomaalida, Jamhuuriyadda Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya "Somaliland iyada oo aan la ictiraafsanayn habeen iyo maalin way ka duwan tahay Soomaaliya. Somaliland waa dimuqraadi – si ka duwan Soomaaliya, oo soo magacawda madaxdeeda” Halka Soomaaliya ay ku dhowdahay Shiinaha, Somaliland waxay la wadaagtaa xidhiidh Taiwan”ayuu raaciyey khabiirku arragtida uu ka bixiyey Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Iyadoo Muqdisho aanay ammaan ahayn, haddana caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo dekedda Berbera ayaa ka ammaan badan magaalo kasta oo Maraykan ah. Halka kooxaha argagixisadu ay hub sharci darro ah soo geliyaan Soomaaliya, Somaliland waxay ilaalisaa xeebteeda oo dhererkeedu yahay 450 mayl.

 

Sarkaalkan oo hore uga tirsanaa Waaxda difaaca ee dalka Maraykanka, haatana madax ka ah Machadka American Enterprise Institute, waxa uu si cad ugu iftiimiyey madaxda dalka Maraykanka farqiga weyn ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya dhanka amaanka, nidaamka maamul ee dawliga ah, siyaasadda iyo guud ahaan xasiloonida dawladdeed ee ka dhisan. Waxa uu ku taliyey in Somaliland loo tixgeliyo waxa ay qabsatay iyadoo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn.

 

Jamhuuriyadda Somaliland kama shaqayso oo kaliya amniga dalkeeda ee waxa ay sidoo kale dabool nabad-gelyo u tahay wadamada Geeska Afrika iyo si guudba qaarada, maadaama ay dhacdo goob istaraatiiji ah oo bad iyo beriba muhiimad weyn u leh mandaqada iyo adduunka. Ka sekow bogcada ay Somaliland ku taallo ahmiyaddeeda, waxa kale oo ay xuduud la leedahay Soomaaliya oo ah waddanka ugu halista badan gobolka, kaasoo hoy u ah Kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab.

 

Dawladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey ku hawlanayd xoojinta xidhiidhka ay la leedahay Jamhuuriyada Somaliland, waxaana aad loo hadal hayaa in maamulka madaxweyne Trump uu ku dhiiranayo inuu si buuxda u aqoonsado qarankan 34 sanno jirsaday.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay dhowr jeer ku celiyey inay dawladdu xooga saarayso kor-qaadista ammaanka, isagoo bishii Febaury shirweyne Caalami ah ka shaaciyey inay diyaar u tahay Somaliland inay caalamka kala shaqayso xasiloonida iyo nabad-gelyada gobolka ay ka tirsan tahay ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabel-man-deb.

     
Loading...