Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-002/122024 uu ku magacaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan: -
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay:Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay:Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;
Markii aan ku qancay:In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey:La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.