Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale Itoobiya ku eedeysay in ay faro-gelin ku hayso madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya, xilli weli ay taagan tahay xiisadda labada dal ee ka dhalatay is-afgaradkii ay Addis-Ababa la gashay Somaliland.
"Dowladda Federaalka ee
Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee
Dowladda Ethiopia ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha
halkaa deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka
ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo
baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu
sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada Doolow ay u soo
dhaqaaqeen dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee ay ka hor yimaadeen dadka
degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo
Xaaawo, sida hadalka loo dhigay.
"Soomaaliya waxay mar
walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase
yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro
gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida
Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
"Dowladda Federaalka
Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda,
waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo
Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u
dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.”
Xukuumadda Addis-Ababa
ayaan laga heli karin jawaab deg deg ah oo ku aadan eedeyntan.
Xiriirka labada dal
ayaa aad u xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay
Somaliland la gashay is-afgarad looga kireynayo dhul badeed ay ka sameysato
dekad iyo saldhig ciidan, ayada oo taa beddelkeedna Somaliland ay sheegtay inay
aqoonsi ka heleyso Itoobiya.
Itoobiya ayaa shalay
sheegtay in ay soo dhoweyneyso dadaallo ay wadaan Kenya iyo Uganda oo ay ku
dhex-dhexaadinayaan labada dal.