Maanta ayaa 40 casho u ah Xukuumada Somaliland ee cusub
Wax qabadkii xukuumada cusub ee madaxweynaha Somaliland
C/raxmaan Ciro uu hogaaminaayo, waxa uu gaadhay go'aamo waaweyn oo bulshada Somaliland oo dhan ku faraxsan tahay ,
Waxaa ka mid ah:
1- Mushahar kordhintii ciidanka qaranka Somaliland.
2- Tirakoobkii ciidanka qaranka Somaliland.
3- Saami qeybsigii xukuumada oo si cadaalad ah ugu qeybisay xilalkii dadka Somaliland oo dhan degen , arintaas oo la magacaabay reero aan weligood xilal ka qaban dalka Somaliland.
Oo aad loogu farxay. Oo weliba intooda badani xilalkan waaweyn aanay filanayn .
4- Xukuumad ka kooban madax aqoon yahaniin ah oo wada mutacalimiin ah oo oo dhalinyaro wada ah oo xilka loo dhiibay aqoon u leh .
5- Ciidankii qaranka somaliland oo loo magacaay hogaamiye dhalinyaro ah oo la jaan qaadi karaaya casriga iyo tiknooloojiyada iyo sida loo maamul ciidamada casriga ah.
6- Xukuumada cusub waxay baaq nabadeed u fidisay shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan , ku wada nool ee ku dhaqan .
Waxaanay ku balan qaaday in ay colaadaha , si nabad gelyo ah u geleyso , oo cid kastana dhegeysanayso tabashooyinkooda .
7- Xukuumada cusub waxay ku dhaqaaqday talaabooyin ay ku midaynayso shacabka Somaliland oo dhan oo ay ku xalaynayso xurgufihii ka dhalatay doorashooyinkii.
8- Xukuumada cusub ee Somaliland ee
C/raxmaan hogaaminaayo waxay wada tashi la sameysay qeybaha bulshada intooda badan iyo salaadiinta iyo cuqaasha iyo waxgaradka iyo Culimaa'u diinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.
9- Xukuumada cusub markii ay xilka la wareegtay waxay jeelasha Somaliland ka sii daysay , dad badan oo cadaalad daro u xidhnaa .
10- Xukuumada cusub waxay farriin u dirtay dalalka jaarka la ah Somaliland in ay nabad gelyo iyo jaarnimo wanaagsan ay la yeelan doonto .
11- Xukuumada cusub waxay farriin u dirtay beesha caalamka oo dhan , in ay Somaliland doonayso in ay xidhiidh wanaagsan la yeelanayso beesha caalamka oo dhan .
12- waxaana la filayaa in uu noqdo safarka madaxweyne
C/raxmaan Ciro uu ku tago dalka UAE. Arintaas oo guul ah oo aanu noqon safarkiisa ugu horeeya Jabuuti.
Maanta ayaa 40 casho u ah Xukuumada Somaliland ee cusub ,
go'aamo badan oo aan la soo koobi karayn ayay soo saartay Xukuumada cusub ee Somaliland
ilaa iminka , welina way socdaan horumarkaas ay Xukuumada cusubi hogaaminayso. Waa mid hordhac u ah wax qabadkii ay Xukuumada cusub ee uu hogaaminaayo
C/ raxmaan Ciro
Calli Biixi