Gudidii Laascaabood loo diray oo Hargeysa ku soo noqotay. Cali Biixi

Wednesday January 22, 2025 - 16:14:34
Hadhwanaag
Qorshe iyo talo ayay u baahan tahay arintan lagu wajaho. ...



Gudidii ka koobnayd garaadada iyo ugaaasyada iyo wax garad ee uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro u xil saaray in ay tagaan Magaalada Laascaabood ee garaadada dhulbahante uu u diray. Ayaa shalay Hargeysa ku soo guryo noqday , iyaga oo ka yimi dhinacaa iyo dawlad degaanka Somalida DDS (Jigjiga) ka yimi iyaga oo la soo tashaday Madaxweynaha DDS Cagjar.

Shalay markii ay yimaadeen waxay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro iyo madax kale oo badan .

Warkii ay la soo noqdeen iyo wixii ay kala kulmeen Garaadadi iyo kooxda xukunta Laascaabood.
Shuruud ayay ku xidheen hadii maxaabiista la soo deynaayo ama lays weydaarsa sanaayo in :
1-Ay ogol yihiin wada hadalka .
2- in ay ogol yihiin nabada .
3- in maxaabiista lays weydaarsado.
4- in ay maamul gaara yihiin oo maamulka Somaliland iyo maamulka khaatumo loo wada hadlo .
5- in ay xukuumada Somaliland u aqoonsato in ay khaatumo ka taliso aayaheeda iyo meesha ay ku biirayso, hadii ay doonayso in ay Puntku biirayso ama Somaliya oo ay xor u yihiin , madax banaanidooda.
6- arinkaas qodobka 5-aad ku cad oo qudha ayay ku soo deyn karayaan maxaabiista.

Wax jawaab ah kama bixin xukuumada cusub ee Somalilandi ilaa iminka .

Laakiin waxaa ku jiray kuwii shirka ugu qabtay Jigjiga garaadada weerarkii lagu shirqoolaayay ee dagaalka lagaga tashanaayay in Somaliand lagu soo duulo,
.
Madaxweynaha Somaliland waa nin khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leh siyaasada oo bisayl iyo garaad indheer garaadnimo u leh siyaasada.

Ma suurto galbaa in khaatumo noqoto gobol iyo maamul gaara ?

Qorshe iyo talo ayay u baahan tahay arintan lagu wajaho.

Maalmaha soo socda ayaa la ogaanayaa talaabada xukuumada cusub ee Somaliland qaado.

Cali Biixi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...