Muxuu Khilaafka Geelle iyo Biixi ka Bilawday ?

Monday December 02, 2024 - 16:19:19
Hadhwanaagtv
Somaliland ayaa iyana difaacaysay heshiiskaasi oo ahaa mid haddii...



Madaxweyneyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Khilaaf uu dhex maray, Sababay in ay warbaahinta isaga jawaabaan.

Khilaafkan ayaa Salka ku hayay Heshiiskii isgarad ee dhex maray horaantii sanadkan Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay Djabouti si wayn uga

Biyo diiday.Djabouti Waxa ay heshiiskaasi u armadas

In uu yahay mid u Horseedaya in ay luminayso macmiisheedii ay ku tiirsanayd ee Itoobiya, waxaanay la safatay Soomaaliya.

Somaliland ayaa iyana difaacaysay heshiiskaasi oo ahaa mid haddii uu hir gelo u horseedaya Aqoonsi.

Hadaba maalmahan Waxa muuqata in siyaasiyiin ka soo jeeda Xisbiga talada Dalka ku guulaystay ee Waddani ay jabuuti iska xaadiriyeen iyaga oo kulamo la qaatay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Dalkaasi.

Ma cada in Xukuumadda Soo socota ay laali doonto Heshiiskii Wadamada Geeska Qaylada ka Kiciyay ee Addis Ababa iyo Hargeysa oo ay Soo noqon doonto Walaalnimadii aanay waxba ka hoosayn ee Djabouti & Somaliland iyo in uu Sidii ahaan doono oo Djabouti lagu qancin doono in ay Dalkan 34 Sano baadi goobaya aqoonsiga ay now don doonto Dalka ugu hor Aqoonsada.

     
Loading...