Muqdisho (HWN) Xiisadda
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sii cakirmaysa iyada oo ay
natiijo la'aan ku soo dhamaaday kulamo dhexmaray Raysal wasaare Xamse Barre iyo
Madax ka tirsan dowladda Kenya oo ay wada hadallo ku saabsan Jubbaland ku
yeesheen Nairobi.
Magaalada Caruush ee
dalka Tanzania oo uu ka socdo shirka madaxeedka Bulshada Bariga Afrika ayaa
lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Kenya, Ruto ay kaga
wada-hadlaan xal u helista khilaafka DFS iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, sida ay
sheegaan ilo-wargal ah.
Villa Somalia ayaa
dooneysa in Axmed Madoobe ka noqdo doorashadii uuna ku laabto shirka Madasha
Qaranka.