Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgalay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.
Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha Bulshada Bariga Afrika.
Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan, taasoo muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.
Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.