Wasiirka waxa Safaaradda ku qaabilay Safiirka Somaliland
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Jaamac Barre oo safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ayaa booqasho ku tegay Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Kenya.
Wasiirka waxa Safaaradda ku qaabilay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Dr. Mohamed Ahmed Mohamoud (Barawaani) Waxaanu uga warbixiyay hawlaha Safaaradda, xidhiidhka Labada dal iyo qorshayaasha mustaqbal ee lagu horumarinayo Xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya. Sida oo kale Safiirku waxa uu wasiirka soo tusay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Safaaraddu.
Wasiirku waxa Safiirka uga mahadceliyay qaabilaada wanaagsan iyo shaqada balaadhan ee ay qaranka u hayaan.