Waxa kaloo uu La-taliyuhu sheegay in safarkan Madaxweyne Cirro ...
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa qoraal uu mar dhawayd faafiyey waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabtu ay wadahadalo heerkoodu sareeyo la leeyihiin madaxda sar sare ee dalka Imaaraadka Carabta.
Waxa kaloo uu La-taliyuhu sheegay in safarkan Madaxweyne Cirro uu dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka u noqon doono mid ka mid ah safarada ugu guulaha badan, uguna wax-ku-oolsan ee la isku waydaarsado arrimaha diblomaasiyadda.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegay in Kor u sii qaadista iskaashiga iyo yoolasha guud ee la wadaago ee ka dhalan doona natiijooyinka shirarkan socda ay noqon doonaan doona qaar xaqiijiya isbahaysiga istaraatiijiyadeewd ee dhexmaraya dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo sidoo kalena damaanad qaadaya iskaashi iyo horumar dhinacyo kala duwan leh oo muddo dheer socda oo dhex mara Somaliland iyo Imaaraadka