Sidoo kale wafdiga ayaa kullamo la qaatay hay'addaha horumarinta
Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii la socday ee socdaalka ku joogay waddanka Imaraadka Carabta ayaa maanta kullamo la qaatay madax ka tirsan waddankaasi oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka waddankaasi ahna wasiirka madaxtooyada.
Sidoo kale wafdiga ayaa kullamo la qaatay hay’addaha horumarinta waddankaasi iyadoo kullamada lagu gorfeeyay mashaariic horumarineed oo la filayo in Imaraadka Carabtu ka fuliyo Somaliland.
Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan madaxweynaha waddankaasi.
Madaxtooyada Somaliland ayaa la filayaa in ay ka warbixiso natiijada kullamada markay soo dhammaadaan.