Hargaysa (HWN) Maayarka Magaalada Hargaysa ayaa fariin udiray shacabka uu duqa uyahay ee Hargaysa, waxaanay fariintani daarantahay in shacabku ilaashadaan nabad gelyadooda, kana war dhawraan natiijada ay soo saaraan gudida doorashooyinka Somaliland, fariinta Maayarka baahiyay ayaa uqornayd sidan:-
"Waxaan u mahadnaqayaa
dhammaan shacabka Hargeysa ee codkooda dhiibtay iyo guud ahaan shacabka
Somaliland, Codka aad maanta bixiseen wuxuu guul u yahay Somaliland, waxaan
inoo rajaynayaa in doorashadani inoo horseedo aqoonsi, koboc dhaqaale, nabad
iyo horumar.
Waxaan shacabka ugu
baqayaa in ay nabaddooda Ilashadaan nabadna ku dhawraan natiijada doorashada,
marka natiijada lagu dhawaaqana waa in aan u midowna sidii aynu dalkeena u
horumarin lahayn.
Waxa xaq laguugu lahaa
in aad codkaaga bixiso waanad bixisay, waxaad dooratay musharaxii aad jeclayd
in uu noqdo Madaxweynaha 6aad ee Somaliland iyo Xisbigii ama ururkii aad
jeclayd in uu noqdo Xisbiga Qaran ee 10ka sano ee soo socda.
Waxaan inoo rajaynayaa
Guul iyo Gobanimo” ayuu ku soo gaba gabeeyay maayarku fariinta uu shaaciyay.
Doorashada ayaa si
nabad geliyo ah uga dhacday dhamaan sanaaduuqdii codaynta ee taalay degmada
Hargaysa.
Ilaa hadana wax
dhibaato ah lagama soo sheegin dhamaan deegaanada kala duwan ee ay ka dhacday
doorashada Somaliland.