Muse Biixi Anbiyadii Allah Soo Diray Oo Dhan Buu Ka Hor Yimi Oo Yuhuud Raacay.

Monday October 28, 2024 - 12:12:12
hadhwanaagtv
Wuxuu Ka Hor Yimi Mashruucii Allah Anbiyada U Soo Dhiibay..


Marka U Horaysa Qofka Binu Adamka Ahi Waa Inuu Taariikhda Dunida Ee Islaamka Ah Wax Ka Garanayaa Ama Cidda Taqaan Ee Ku Toosan Daba Galaa Hadduu Qof Caqli U Nisba Sheeganayaa Yahay Xaq Iyo Baadil Kala Garan Waayo Oo Dariiqa Allah Iyo Dariiqa Shaydaan Kala Garan Waayo Hubaal If Iyo Aakhiro Cadaab Buu La Kulmayaa.

 

Muse Biixi Isagoo Idin Hortaagan Maanta Ayuu Sidii Caruur Tihiin Indha Sarcaad Idiin Dhigayayaa Oo Intuu Afka Sida Shaydaanka Ka Xumbeeyey Ayuu Yidhi Yuhuud Baan Taageerayaa Iyo Xabasha Oo Xuutiyiinta Ayaan Badda Cas Kala Dagaalamaya Oo Badda Somaliland Baan Saldhig Yuhuudu Islaamka Kala Dagaalanto Samaynayaa.

Wuxuu Ka Hor Yimi Mashruucii Allah Anbiyada U Soo Dhiibay Wuxuu Ka Hor Yimi Nebi Muse, Nebi Haruun, Nebi Daauud Iyo Nebi Suleiman, Nebi Shucayb Iyo Nebi Yacquub Iyo Nebi Ciise Iyo Nebi Mohamed (Csw). Qof Kii Muse Biixi Raacaa Waa Qof Diinta Islaamka Ka Hor Yimi. Intuu Dhiig Muslim Qabo Iyo Intuu Dembi Muslim Iyo Xoolo Muslim Oo Xaarana Xambaarsanyey Waa La Wada Ogyey, Qof Kii Daba Galaa Waa Qof Isna La Lumay.

 

Wadankii Somaliland Ee Wadanka Kasoo Noqday Ee Isbadbaadi Lahaa Wuxuu Geliyey Dagaalo, Fakhri Iyo Beloo Dhan .Maanta Gobol Gobol Ayaa Loo Kala Goayaa Hadduu Sii Joogo. Xabasho Iyo Yuhuud Baa Awdal Iyo Sacaado Diin Qaadabaysa, Jabouti Ciise Wey Ka Wareegaysaa Oo Canfarta Xabashida La Dalka Ah Baa La Wareegeysa . Wadankuna Somaliland Wuxuu Foodda U Saaranyey Proxy War Sida Lebnon. Masar Seddex Strategy Ayey Leeday Oo Ilaashataa Oo Ku Nooshay Waa Webiga Nile, Badda Cas Iyo Canal Suez.

Badda Cas Muslim Iyo Gaal Midna Kama Maarmo Markaa Waa La Isku Dilayaa Haddii Yuhuud Iyo Xabasha Maamulaan . Muse Biixi Gaaladii Buu Raacay . Inagana Hilib Iyo Caano Mooyee Wax Kastaa Badda Cas Bay Inoo Soo Maraan.

Hadday Yahuud Iyo Xabashi Baabal Mandab Fadhiistaan Sida Qaza Ayaa Albaabka Dunida Lagaa Xidhayaa. Waar Waxa Soosocda Garta Oo Muse Maantuu Qabasho Leeyahay Ee Qabta Oo Xukun Saara.

 

Muse Biixi Wadanka Ha Laga Qabto Maxkamad Ha La Saaro, Haddii La Sahashado Waa Laga Sheekayn.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Qoraa Mohamed Bashe.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...