Goorma ayey soo gunaanadmi karaan howlahan sahminta ee uu u tagay Soomaaliya?
Oruç Reis ayaa haddaba guda galaya howlaha sahminta shidaal ee u tagay Soomaaliya, haddaba si aan howlaha baariseed wax markan qadka taleefanka ayaan kula xiriirnay Injineer Faarax Siciid oo ka la shaqeeya shirkad laga leeyahay dalka Norway kana howl gasha arrimaha shidaalka kana mid ahaa mas’uuliyiintii Turkiga kasoo sagootiyay markabkan Oruç Reis.
"Markabkan Oruç Reis ee gaaray Soomaaliya haddaba waxaa uu howl gelayaa howlaha sahminta taas oo qaadan karta muddo 5 ilaa 6 bilood ah, kadib waxa uu ula noqon doonaa dalka Turkiga si loogu baaro macluumaadkii uu soo uruuriyay taas ooiyadana qaadan karta dhowr bilood oo kale”, ayuu yiri Injineer Faarax Siciid.
Waxa uu sharraxay in shirkaddan dowliga ah ee markabkan ay tahay markii ugu horreysay ee dal dibadda ah ay ka sameyso howlo shidaal sahmineed taasna ay fursad u tahay Soomaaliya iyo shirakaddaba.
Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?
Bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa u hanqal taagaya ogaanshada xilliga rasmi ah ee Soomaaliya shidaal lagasoo saarayo wallow xitaa qaarkood uu jahwareer uga jiro sababta uu hadda markabkan Oruç Reis u yimid in ay tahay shidaal qodis amaba sahmin.
Injineer Faarax Siciid oo ka sheekeynaya in ay qaadan karto in shidaal laga qodo Soomaaliya marka lasoo tago sahminta hadda la guda galayo ayaa yiri,"In soomaaliya shidaal laga qodo waa barnaamij aad u weyn waxana ay qaadan kartaa waqti ku xiran shaqada la qabanayo, haddii sida hadda wax lagu wado ay u socdaan waa ifafaalo fiican, shirkadda hadda heshiiska lagula jirana waa shirkad macquul ah iyadana ay fursad u tahay in wadan kale ay shidaal ka qoddo”.
"Waxa aan aminsanahay in wakhtiga ugu fiican ay kusoo saari karaan haddii ay si toos ah uga guda galaan, waa ilaa 6 ama 7 sano laakiin waqtigu mushkliyo malaha haddiiba la bilaabo waxa ay ku socon doontaa heerar wanaagsan”, ayuu sii raaciyay Injineer Faarax Siciid.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kala qayb sanaanta iyo is qab-qabsiga marka lagasoo tago ay tani Soomaaliya u tahay natiijo wanaagsan oo la xiriirta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.
Markabka sahminta ayaana ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga kaas oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.
Oruç Reis oo uu marinkiisu ahaa badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbay kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacay Badda Cas si uu ugu soo xirto biyaha Soomaaliya.
bbc/somali