Waayaha iyo Wacdaradiisa, labaa cadow u ah aadamaha. Waa Aqoon darro iyo Cabsi, labaduba shaqsiga waxay ka lumiyaan jihadda iyo hagayaasha dareenka oo ay kalsoonidu udub dhexaad u tahay, kalsoonida oo ah furaha guusha, waana silsiladdo isku taxan ama isku sidkan aqoontu ama khibraddu waxay shakhsiga u saamaxdaa inuu yeesho yool uu u hayaamo si uu u hanto kalsooni buuxda oo uu ku wejeho wakhtiga iyo waayihiisa nolosha, halka Cabsidu u keento shakhsiga indho la’aan iyo ismaqiiq isagga oo kasii fogaanaya xaqiiqda caqli galka ah iyo ku dhiirashada xaqiiqda ku xeeran caqabadaha nololeed, waxaad mooddaa inay dunidu gashay mawjado cabsiyeed oo ay sababtay Siyaasadaha lagu jaangooyay is diidooyinka dhaqan-dhaqaale, taas oo lagu handado ama lagu harowsado caamada aan aqoonta u lahayn kala shaandheyta runta iyo beenta, dhabta iyo dhalanteedka, caqliga iyo caadifadda, markaynu dib u jaleecno taariikhaha tagtada, waxaa soo ifbaxay in kolwalba ay dunidu gasho marxalado dhaqaale oo salka ku haya awoodaha saami-qeybsiga siyaasadeed, ayaa waxaa lagu been guuraa maskaxda, qaadaa madhargaha si loo marrin-habaabiyo ama loogu awr kacsado, iyagga oo lagu abuuraayo cabsi meel loo waayay, inagga oo maanka ku hayna, inay yihiin tirada ugu badan ee codbixiyayaasha ahna jaangooyayaasha siyaasada gudaha, meel walba oo ay dunida ka joogaan, kolkaa massuuliyiinta siyaasadeed ee Somaliland, waa inay ummadooda hagaan oo ay hogga-tusaaleeyaan shacabkooda, si ay ugu jeexaan dariiq bilaa turxaan ah, iyagga oo ka saaraaya cabsidda iyo caadifadda aan caqli-gal ahayn, taas oo keenta nacayb aan caqli-gal ahayn, kooxaysi aan caqli-gal ahayn iyo ficillo aan caqli-gal ahayn.
Waxaa taas ka sii xiiso badan in dadka intooda badani aanay rabin in ay ka tanaasulaan cabsidaas ku beeran kana fogaadaan, iyagga oo ka dhigtay run aan la dafirikareyn, waxaana suurta galka ahayn oo ay ku dhiiradaan wejehaada caqabaddaha horyaalla si looga midho dhalliyo nolol horumar leh oo waarta, taas oo ah ahmiyada koowaad ee ay ummaddi yeelato, oo aan laga leexan dood kasta oo macquul ah oo ay bulsho ku horumarto.
Si kastaba ha ahaatee, cabsidu waxay noqotay dareemadda bulshooyinka adduunka oo dhan qarnigan 21-aad. Tignoolajiyada ama baraha bulshadda ayaa ah, goobaha loogu gorayo-khaaqleeyo shacabka aan haysan hub ay isaga difaacaan beenta iyo cabsida salka ku haysa aqoondarrada, tasoo ah aafooyinka ku habsadda bulshooyinka aan lahayn shuruucda iyo qawaamiinta xaydaabka u ah Qarranimadda intaasoo dhan, waxaa looga samatabixi karaa ujeexidda iyo far ugu fiiqidda wadooyinka ay fahmi karaan tirada inta badan oo ay kow ka yihiin hirgalinta shuruucda iyo dib u habeynta shuruucda, goor walba iyo goob walba, waxaa looga baahan yahay wacyigalin faro-dhuuban, taasoo kor loogu qaadaayo Riyadda iyo Rejadda Ummadda laguna soo afjaraayo marinhabaabinta shacabka iyo cabsi-galinta dadweynaha, taasina waxay waajibkeeda saarantahay cidda mindidda daabkeeda haysa oo ah masuuliyiinta Qaranka, iyaddoo shacabka hankooda kor loogu qaadaayo lana galinayo dar-dar iyo dareen wada lahaansho, iyaggoo la dagaalamaya ku xeel dheerayaasha gudbinta cabsida iyo argagaxa.
Cabsidu waa fal-celin, u baahan in lagu wejeho jewi deggan oo lagu maareeyo shucuur ku jirta isku buuq iyo isku daadsanaan maskaxeed. Si kastaba ha noqotee, masuuliyiinta Qaranka waxaa waajib ku ah, inay shacabkooda dusha saartaan oo ay kala dabaashaan hagardaamooyinka ay keenaan cabsi wadareedka uu wakhtigu keeno sida xaaladdaha aynu maanta ku suganahay.
Qoraa Yaasiin Daahir Cumar. Maamulaha guud ee xarunta cilmi baadhista iyo horumarinta Yaas Daher.