Qof Aan Aaminoo I Khaayimay ( Abdi-Shotaly)

Saturday October 26, 2024 - 10:54:12
hadhwanaagtv
*N.B Qofkii Aad Dhistay Baa Isna Dhimasho Kuu qoolay!
No description available.


Gabay baa waxa ereyadiisa ka mud ahaa " Allahayaw guracanaa gob nimaad ku sheegtoo, kugu yidhi gun baad tahay"

Kulmiye Xisbi Ahaan Wuu Ku Daayay. Askariga " Xaafad-tooyadda' Way Ka Go'an tahay In Isaga Iyo qudhmiye Aanay Kala Dambayn. Hadda Kaalinta 5aad buu mar Kelya Ku Soo dhacay tartanka todobada Urur Iyo Sadexda Xisbi Ay Ugu Jiraan 3da Xisbi qaran ee ku soo bixi doona Doorashada 13 November. 

Askarigu in Xisbiga qudhmiye uu gawraco, isaga waxay ka tahay Aargoosi. Balse Cidda Uu Taaga Isleeyahay Ka Aargooso Mar Hore Ayay Ka Diyaargaroobeen Bedelkii Kulmiyena Diyaarsadeen Oo Xisbi Qaran Way La Soo Bixi Karaan
 
Nasiib Darro Ama Nasiib Wanaagba Aargoosiga Muuse Biixi Keliya Ninka Uu Qoorta Goynayaa Waa Saaxiibkii Maxamed Kaahin Waana Abaalkii. Xaalka Muuse Iyo Maxamed Wuxu Ina Xusuusnayaa: ALLAHAYOW GURCANAA, GOB NIN AAD KU SHEEGTOO, KUGU YIDHI GUN BAAD TAHAY.

Maxamed Kaahin Weligii Tan Oo Kale Kamuu Malaysan In Ninkii Uu 40ka Sanadood Daacadda U Ahaa Ee Weligii Aanu Maalin Ka Leexanin. Markaa Maxamed Waxa Muuqata In Aanu Waxba Ka Baranin Shakhsiyada Runta Ah Ee Muuse Biixi

*N.B Qofkii Aad Dhistay Baa Isna Dhimasho Kuu qoolay!

Qore:- Abdi-Shotaly
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...