Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Mamnuucay ka Ganacsiga Biraha Isrkaraabka

Friday October 18, 2024 - 19:23:01
Hadhwanaagtv
1. Sakhaaladaha dhismaha

Wasiirka Arrimaha gudaha JSL Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa mamnuucay 29kii bishii Steptember 2024 ka ganacsiga isrkaraabka qaarkood, taasi oo faro baas haysa dalka isla markaana keeni karta dhac bulsho iyo falal amni darro.

Sidaasna waxa uu wasiirku ku sheegay wareegto uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhsy Wakaaladda wararka ee SOLNA, wareegtadaasi oo uu u kala diray Ciidanka Booliska, Badhasaabyada gobollada iyo maayirrada magaalooyinka dalka oo uu faray inay joojiyaan alaabta iskaraabka sida:-

1. Sakhaaladaha dhismaha
2. Alaabaha Guryaha.
3. Dhiishashka guryaha.
4. Talaagadaha dharka lagu maydho.
5. Daaweyaasha guryaha.
6. Shabagyada dhirta lagu xidho.
7. Shabagyada guryaha lagu deyro.
8. Hubkii hore ee duuga noqday.
9. Qasabadaha biyaha.
10. Xadhkaha laydhka.

Waxaanu Wasiirka Arrimaha guduhu wareegtadaas ku faray Ciidammada Booliska, Maayirrada iyo Guddoomiyeyaasha gobollada inay tallaabo sharciya ka qaadan ciddii lagu qabto iyadoo ka gacsanaysa allaabahaas kor ku xusan.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ugu baaqay guddoomiyeyaasha degmooyinka Hargeysa inay fuliyaan wareegtada Wasiirka Daakhiligu ka soo saaray biraha iskaraabka oo ganacsigiisu halis ku hayo bulshada.

Geesta kalena, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa waraaq taar ah oo uu soo saaray ciidammada Booliska ku faray inay fuliyaan amarka ka soo baxay wasiirka daakhiliga oo ay tallaabo ku habboon ka qaadaan ciddii lagu qabto ka ganacsiga biraha isgaraabka ah ee sare ku xusan.

May be an image of text
     
Loading...