Xaaladaha Geeska Africa

Wednesday October 16, 2024 - 11:05:55
hadhwanaagtv
Halista Colaadaha Inagu Xeeran.

 

Gobolka Geeska Africa waxa uu noqday gobol aad loo daneynayo oo danaha dawladaha quwadaha aduunka iyo kuwa kale oo badani soo galeen.

 

Hirdanada ka dhexeeya dawladahaasi ayaa sabab u ah xasilooni daro iyo dhibaatooyinka haysta mandaqada Gobolka Geeska iyo dadkeegaba.

 

Danaynta Ethiopia Ee Marin Biyoodka Bada Cas & Bab Elmandab.

 

Dawlada Ethiopia ayaa u aragta inay muhiim u tahay inay joogitaanka bada-cas qayb ka noqdaan , waxaanay ku sababeeyeen maadaama ay tahay meesha kaliya ee wax uga yimaadaan dalkaasi 100 milyan ee qof ku nool yihiin in sugida nabadgalyadeeda qayb ka noqdaan.

 

Jamhuuriyada Somaliland oo u aragtay fursad qiimo weyni inay halkaasi ku jirto ayaa heshiis is-faham la gashay Ethiopia 01-01-2024 kaasi oo dhaliyey cadho diblomaasiyadeed oo ka dhaxaysa Maamulka Muqdisho & Ethiopia, Ethiopia & Djibouti, Somaliland & Djibouti, Djibouti & Somaliland.

 

Waxaa soo galay wadamo kale oo u arka fursad dhaqaale sida Turkey , iyo Masar oo ka eegaysa meel Ethiopia cadaadis laga saari karo maadaama ay isku hayaan biyaha webiga nile.

 

Sidoo kale Masar oo ku taalla badacas ayaa u aragta Ethiopia oo badda timaadaa inay ku tahay halis amni maadaama wax waliba dhici karaan , waxaanay sameeyeen dhaqaaqyo ciidan iyo dhoolatusyo Ethiopia lagu cabsi galinayo.

 

Dhinaca kale waxay heshiisyo taageero iyo iskaashi xaga difaaca ah la galeen Erateria iyo Muqdisho oo ay rabaan in Ethiopia cadaadis lagu saaro , waxa kale oo laga cabsi qabaa in mucaaridka hubeysan ee Ethiopia in Masar soo siiso taageero ciidan iyo saanad.

 

Waa halis iyo dhibaato weyn oo gobolkani ku soo wajahan, sidoo kale waa colaad iyo cadaawad ku lid ah horumarka, deganaanshaha iyo nabadgalyada mandaqada Geeska Africa.

 

DAGAALKA HURAYA EE EGYPT IYO ETHIOPIA.

 

Colaadaha guunka ah ee ku saleysan danaha dawladaha Masar iyo Ethiopia oo mar kale Gobolka Geeska Africa halis ugu jiro inuu ka rido dhibaatooyin iyo dagaalo.

 

Waxa aan shaki ku jirin in colaada taariikhiga aheyd ee Ethiopia & Jamhuuriyadii soomaaliya inay Masar ku lahayd kaalin weyn si ay danaheega ugu ilaashato , sidoo kale Ethiopia na ugu cadaadiso inaanay colaad ka bixin si aanay fursad ugu helin ka faaiideysiga biyaha webiga Nile.

 

Waa markii ugu horeysay ee jamhuuriyada Somaliland iyo dawladaha caalamka qaar ka mid ahi kala qaataan xidhiidhada diblomaasiyadeed ka dib markii Jamhuuriyada Somaliland u atagtay in Masar weerar toos ah ku tahay jiritaanka dawladnimada Somaliland.

 

Arinkaasi oo dhaliyey in cilaaqkii ay kala qaataan Egypt iyo Jamhuuriyada Somaliland.

 

Mohamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...