Halgankii Shalay, Himilada Maanta,
"Qaranimada maaha hadal, waa hawlgal. Aqoonsigu maaha deeq,
waa xaq la sugayo oo Somaliland leedahay."
Waxaa isa soo taraya ifafaale muujinaya in Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kale cagta saartay jidkii ay ku gaadhi lahayd aqoonsi buuxa oo caalami ah.
Ka dib socdaalkii uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku tegay magaalada Addis Ababa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxay booqashadaasi ku tilmaantay mid "guul leh” oo xoojinaysa xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashi, iyo ixtiraam ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Laakiin wararka ugu xiisaha badan ayaa ah kuwa laga helayo ilo diblomaasiyadeed oo xaqiijinaya in Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Israa’iil, Imaaraadka Carabta,
iyo ilaa
17 dal
oo kale ay dhameystirayaan heshiis rasmi ah oo ay ku aqoonsanayaan Somaliland bilaha soo socda.
Waxaa intaa dheer, in Somaliland la filayo inay ku biirto Qaramada Midoobay , talaabo taariikhi ah oo albaab cusub u furaysa iskaashi dhaqaale, amni, iyo diblomaasiyadeed oo heer sare ah.
Halgankii Shalay, Himilada Maanta,
iyo Hiigsiga iyo Himilooyinka Berri
Somaliland waxay soo martay halgan dheer oo ku dhisan dulqaad, dadaal, iyo damiir qaranimo. Muddo soddon sano ka badan ayay dadkeedu ku jireen dhisidda dawladnimadooda, iyagoo ku guuleystay nabad, dimuqraadiyad, sinaan doorashooyin xor ah, iyo hay’ado shaqeynaya xilli ay dunidu la tacaalayso burbur iyo xasilooni darro.
Maanta, dadaaladaasi waxay midho dhalayaan. Aqoonsiga caalamiga ah ee la filayo ma aha kaliya guul siyaasadeed, balse waa aqoonsi lagu abaalmarinayo dad adkaysi iyo aragti dheer leh.
Waa iftiin kasoo baxaya Geeska Afrika ,
iftiin ay ummaddu u qalanto.
Qaranimo Waa Mas’uuliyad
Aqoonsigu waa albaab furan,
balse waxa ka sii muhiimsan waa waxa laga sameeyo marka la gudbo.
Somaliland waxay u baahan tahay hogaan daahfuran, bulsho midaysan, iyo hal-abuur siyaasadeed iyo dhaqaale oo ay ku kasbato kalsoonida caalamka. Waa waajib saaran jiilka maanta in ay ilaaliyaan sumcaddaas, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara.
Gunaanad: Rajada iyo Dhismaheeda:
Somaliland waxay maanta taagan tahay meel ay dunidu indhaha ku hayso.
Waa fursad dahabi ah oo aan la dayici karin. Waa waqti ay ummaddu isku duubantahay oo nabadii Bari iyo galbeed ay Ceerigaabo wada fadhiisteen madaxweynaha Somaliland, haldoorkeeduna isu diyaariyo sidii ay u noqon lahayd cod mideysan oo dunida ka dhaadhicin kara in Somaliland tahay qaran buuxa oo mudan in la aqoonsado.
Qaranimada waa geed la beero,
la waraabiyo, la daryeelo, si ay u dhasho midho ay jiilasha dambe ku naaloodaan oo ku raaxaystaan.
W/Q:
Cali Biixi