Kenya ayaa ka hadashay
qofkii ugu horreeyay ee u geeriyooda xanuunka Mpox, iyadoo 13 xaaladood la
xaqiijiyay in laga helay 11 degmo oo gudaha dalka ah, oo ay ku jiraan
magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Mombasa iyo Nakuru.
Saraakiisha caafimaadka
ayaa baadi goobaya 68 qof oo lala xiriiriyay xanuunkan, kuwaas oo saddex ka mid
ah laga helay.
Ololayaasha caafimaadka
dadweynaha ayaa sii wada dadaalkooda ku aaddan wacyigelinta, halka kooxaha
caafimaadka ay xoogga saarayaan xal u helidda kiisaska la xaqiijiyay.
BBC