11 sano ayaa aan ku xidhnaa xabsi ku yaalla Soomaaliya.

Saturday October 12, 2024 - 17:23:30
hadhwanaagtv
"Waxa aan ka soo yaacnay Wardheer, laakiin annaga ..
May be an image of 2 people and text

Aroor ay bishu tahay 11, intii aanu waagu beryin ayaa uu dagaalku qarxay. Waxa la isku adeegsaday kaarayaal, bambooyin iyo hubka culus oo dhan. Iyagu (Soomaalidu), waxay cagta mariyeen askartii, carruurtii, haweenkii, waayeelkii iyo cid kasta oo xerada joogtay.”

Nuguse Maamo oo xilligaasi ay da’diisu ahayd 18 jir waxa uu ka mid noqday dadka fixadka ah bal se waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhexda ka heleen.

"Waxa aan ka soo yaacnay Wardheer, laakiin annaga oo ku soconna Gallaadi ayaa meel dhexe la nagu qabtay.”
Isaga iyo dadka qabtay waxa loo qaaday Soomaaliya.

"Markii ay Muqdisho na geeyeen , waxaa na lagu xidhay xabsiga dhaxe oo aan ku jirnay muddo sagaal bilood ah. Kaddib waxa na loo wareejiyay Xabsiga Dhanaane iyo jeelka la yidhaahdo Laanta Buur oo Muqdisho u jira 30 KM.”

"Waa meel aad u dhib badan oo ku taalla buur dusheed. Halkaas ayaa aan ku xidhnayn 11 sannadood.” Dumarkii iyo dadkii kale waxa lagu hayn jiray Xabsiga Hawaay.”

Nuguse ayaa sheekadan ka sheekaynaya sannado badan kaddib dagaalkii Ethio-Somali ee dhacay 1977.
Nimaan Osman
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...