Madaxweynaha Cusub ee Itoobiya oo Sheegay in MoU-ga Somalilnd uu Yahay Mid ku Salaysan Masaalix

Wednesday October 09, 2024 - 18:19:30
hadhwanaag
Madaxweynaha Itoobiya wuxuu iftiimiyay in dalkiisu indho gaar



Madaxweynaha cusub ee Itoobiya Taye Atske Selassie, oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi, ayaa sheegay heshiiska isfaham ee Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid ay kaddin baddeed ku doonayaan oo aasaaskiisu yahay wax is dhaafsi laba dhinac ah iyo masaalix wadaag.

 

Sida ay werisay Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya, Madaxweyne Taye Atske Selassie, wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi wada-jir ah oo ay labada aqal ee baarlamaanka iyo Federaalka dawladda Itoobiya ay ku ansixinayeen madaxweynaha cusub ee Itoobiya oo xilkaas loo dhaariyay isla shalay ba.

 

Taye Atske Selassie wuxuu tilmaamay in heshiiska is-afgarad ee ay wada-galeen Somaliland uu asaaskiisu jidaynayo dedaalada ay ku heli karaan kaddin baddeed, kaasi oo ku sallaysan masaalix wadaag laba geesood ah.

 

Madaxweynaha Itoobiya wuxuu iftiimiyay in dalkiisu indho gaar ah u leeyahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga ay la yeelanayaan xulafada Itoobiya iyo derisyadooda.

 

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa 1-dii January ee sannadkan 2024 wada-galay heshiis isfaham oo la xidhiidha in Somaliland ay 20-km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya, si ay uga samaysato saldhig millatari oo badda ah. Waxa heshiiskaasi jidaynayaa in Itoobiya noqoto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Labada dawladood ayaa sheegay in la dhammaystiray qoddobada farsamo ee iskaashigaas taariikhiga ah, waxa ay caddeeyeen in dhawaan heshiiskaas si rasmi ah ay qalinka ugu duugi doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

     
Loading...