"Marnaba ma Filayno in Xisbiga Kulmiye Sharaftiisu hoos u Dhacayso, Saaxiibaday waxaan Leeyahay si bilaa Turxaan ah aynu u Tartano…" wasiir Koore.

Thursday October 10, 2024 - 16:35:19
hadhwanaagtv
Waxaanu yidhi "Marka hore masuuliyadda guud ee



Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa xisbiyadda mucaaradka ah ugu baaqay in ay doorashadda inagu soo waajahan u galaan si bilaa turxaan ah oo aan xanbaarsanayn wax dhibaato ah.

 

Waxaanu sheegay wasiirku in ay ka xisbi Kulmiye ahaan diyaar u yihiin in ay si buuxda u galaan ololaha iyo doorashadaba, isla markaana ay yihiin xisbi gaamuray oo aan qabin haba yaraatee wax cabsi ah.

 

"Saaxiibaday waxaan leeyahay si bilaa turxaan ah aynu u tartano, oo qaran-nimo ku jirto. Kursiga in aynu ku tartano xaq baynu u leenahay. Laakiin, yaanay noqon mid dal-daloolisa qaran-nimadda”ayuu yidhi wasiirka biyaha Somaliland.

 

 

Wasiir Saleebaan Cali Koore, waxa uu meesha ka saaray in ay wax baqdin ahi ka hayso xisbigooda tartanka doorashadda, isla markaana ay ilaalinayaan masuuliayda guud ee ka saaran qaranka.

 

Waxaanu yidhi "Marka hore masuuliyadda guud ee dalka xisbiga Kulmiye ayaa haya, marnaba ma luminayno kelmadahayaga, iyo qaranka masuuliyada guud in aanu ilaalinaa, naga lumin mayso hawlaha ololaha. Waagii dhawayd ee uu madaxweynuhu dalka marayay, xisbiga Kulmiye magaciisa kuma maraynin, ee wuxuu ku marayay madaxweyne qaran.

 

Ololaha doorashadu weli ma bilaabmin, ee dhawaan ayuu bilaabmayaa. Doorkii horeba is macaashiisku wuu jiray. Laakiin, ololaha doorashadu hada ayuu toos u bilaabmayaa, Kulmiye-na waa xisbi gaamuray, oo muddo dheer taladda dalka soo hayay, muddo aan hadda ka yarayn 14 sanadood.

 

Hore-na wuu ugu tratamay doorashadda madaxtooyadda, afar jeer ayaanu u tartamay. Dadkeedda iyo aqoonteedda, iyo waayo arageedda, taageereyaasheedda iyo nin garboodkeedda iyo dumarka aqoonta leh ee Somaliland iyo deegaano”.

 

Waxaanu intaas raaciyay "Marnaba ma filayno in xisbiga Kulmiye sharaftiisa iyo codkiisu in ay hoos u dhacdo, in aanu hore uga badino intii aanu hore ugu tartanay mooyee, wax hoos u dhac ah, marnaba ka fili mayno. Dhaliiluhu haddii aad masuul tahay, ama aad maamul hayso, oo aad dal dhan masuul ka tahay, dhaliilaha qofka dibadda joogaa, ka jeediyaa waa wax caadi ah.

 

Laakiin, wax xaqiiqo ah marka la baadho, ee cilmi baadhis lagu sameeyo, wuxu in ay run iyo in kale, ayay jawaabtu tahay. Dhaliilaha ay soo jeediyaan mucaaradku, inta badani run maaha. Wixii masuuliyad la noo sheegayna, waanigan hadaba sheegaya in aanu wixii xisbigu ku tallo galay, laba jeer wax badan aanu qabanay”.

     
Loading...