Waa kuma madaxweynaha cusub ee loo magacaabay dalka Itoobiya?

Tuesday October 08, 2024 - 11:14:42
Hadhwanaagtv
Danjire Taye oo in ka badan soddon sano ka soo shaqeynay


xilwareejin

Danjire Taye Atsiksilase oo ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa waxaa loo magacaabay xilka madaxweunaha dalka Itoobiya. Danjire Taye ayaa xilka madaxweynaha loogu magacaabay furitaanka kalfadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka iyo federaalka.

 

Danjire Taye bartamihii sanadkii hore, waxaa la xusuustaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka, waxa uu haatan badali doonaa dublamaasi rugcadaa ah, marwo Sahle Work Zewde, oo in muddo ah soo heysay xilkaan.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya, Tagese Chhafo ayaa mudanayaasha labada aqal u akhriyay heerka waxbarasho iyo khibrad shaqo ee leeyahay madaxweynaha cusub ee Itoobiya.

 

Sida dastuurku dhigayo golaha wakiilada ayaa awood u leh inay soo magacaabaan madaxweynaha. Sidaa darteed, waxa uu sheegay Golaha Shacabka "in ay kulan albaabadu u xirnaayeen ay yeeshaan daqiiqado gudahood kadibna ay ku gaareen go’aan”.

 

Sida dastuurku qabo, haddii musharraxa la magacaabay uu helo saddex meelood labo meel codadka shirka wadajirka ah ee wakiilada shacabka iyo golaha federaalka, wuxuu noqonayaa madaxweyne.

 

487-da xubnood ee ka soo xaadiray shirka wadajirka ah ee labada gole, ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday magacaabista Danjire Taye, shan mudane ayaase ahaa maqanayaal.

 

Waa kuma Taye Azke Selassie?

Waxaa la sheegay in Taye Atsik Selassie oo ku dhashay magaalada Debarak ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada uu yahay mid ka mid ah dublamaasiyiinta khibrada ugu badan leh ee dalka Itoobiya.

 

Danjire Taye oo in ka badan soddon sano ka soo shaqeynay dalkiisa dhinacyada xiriirka caalamiga ah iyo danjirenimada, waxa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkiisa, safaarado ku yaalla wadamo kala duwan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay.

 

Danjire Taye waxa uu cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka bartay jaamacadda Addis Ababa oo ah hormuudka waxbarashada dalka Itoobiya, waxa kale oo uu shahaadada labaad ee Master-ka ee xidhiidhka caalamiga ah iyo daraasaadka istiraatijiyadeed ka qaatay jaamacadda Lancaster ee dalka Ingiriiska.

 

Sido kale waxa uu soo noqday Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, isaga o dhanka kale muddo laba sano ah soo ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Masar, dalkaas oo ay haatan colaad ku aadan biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam kala dhaxayso Itoobiya.

 

Dalka Maraykanka oo uu sannado badan ka soo shaqeeyay isaga oo danjire ah, waxa uu soo noqday Qunsulka Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Los Angeles, Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Washington, iyo Qunsulka magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

 

Sidoo kale, Gumtu waa dublamaasi khibrad dheer u leh inuu dalkiisa ku matalo fagaarayaasha kala duwan ee caalamiga ah.

 

Danjire Taye Atsek Selassie ayaa ah diblumaasi hormuud ka ahaa shantii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan markii Itoobiya ay Masar kala dhaxeysay muran ku saabsan biyo xireenka Renaissance, iyo sidoo kale kiiskii ugu dambeeyay haatan ee muranka kala dhaxeeya dalkiisa Soomaaliya.

 

Danjire Taye waxa uu dalkiisa ku matalay safaaradaha Itoobiya ee Washington iyo Los Angeles iyo qunsuliyadaha Itoobiya ee Qaramada Midoobay iyo New York.

 

Danjire Taye ayaa soo noqday la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha dhanka siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo sidoo kale ahaa wasiirka arrimaha dibadda muddo sideed bilood ah ka hor inta aan loo magacaabin madaxweynaha.

isha bbc/somali

     
Loading...