Shan dal oo galaangal ku leh Soomaaliya oo war ka soo saaray xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Sunday October 06, 2024 - 08:27:09
hadhwanaagtv
Waxaa kulankaasi sidoo kale ka qeyb galay wakiilo ka ...



Turkiga iyo afar dal oo kale ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhimayo xiisadaha ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo mar kale ku celceliyay inay taageerayaan madax-bannaanida Soomaaliya.

 

Dowladaha safka hore uga jira islamarkana sida dhaw ula socda Soomaaliya oo kala ah Turkiga, Mareykanka, Britain, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa kulankoodii toddobaad isugu yimid magaalada Washinton, waxayna ka wadahadleen tallaabooyinka lagu dhimayo xiisadda u dhaxeeysa Itoobya iyo Soomalaiya.

 

Waxay sidoo kale taageereen wada hadalada, ay ka midka yihiin dadaallada dhex dhexaadinta ee Turkiga uu garwadeenka ka yahay sida lagu xusay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

 

Waxaa kulankaasi sidoo kale ka qeyb galay wakiilo ka socday dowladda federaalka ee Soomaaliya.

 

Dowladahan waxay sidoo kale ka wadahadleen baahida loo qabo in diiradda la saaro ujeedooyinka dhaqaalaha iyo amniga , gaar ahaan wax ka qabashada khatarta joogtada ah iyo kuwa soo ifbaxaya ee ka imanaya kooxaha argagixisada ah ee Geeska Afrika.

 

"Waxay isku raaceen in la qaado tillaabooyin lagu wanaajinayo isku-dubbaridka tababarrada caalamiga ah si loo fududeeyo hawl-gallada dhow ee waxtarka leh iyo in laga caawiyo dowladda Federaalka Soomaaliya si loo horumariyo awood tababar ee mustaqbalka,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Qatar, Turkiga, Imaaraadka, U.K iyo Mareykanka.

 

Turkiga ayaa ilaa hadda martigeliyay laba wareeg oo shirar ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac.

 

Wareegii seddexaad ee wadahadalka oo markii hore lagu waday inuu ka dhaco Ankara bishii hore ayaa la baajiyay islamarkana wax faahfaahin ah lagama bixin dib u dhigadda kulankaasi.

 

Bishii la soo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa sheegay in Ankara ay wadahadalo gooni gooni ah la yeelan doonto dhinacyada ka hor inta aysan martigelin wada xaajood cusub.

Kaalinta ay dalalkan ku leeyihiin Soomaaliya?

 

Turkiga, Mareykanka, Britain, Qatar iyo Imaaraadka ayaa waxay taageeraan dadaallada Soomaaliya si loo dhiso ciidamo karti leh, xirfad leh islamarkana lagala xisaabtami karo amniga dalka.

 

Maxamed Axmed Caalin oo falanqeeya arrimaha gobolka ayaa qaba in dallaka ay muhiimad gaar ah u leeyihiin xasiloonida Soomaaliya.

 

Waxaa uu farta ku fiiqay in dallakan ay Soomaaliya ka taageeraan dhanka ammaanka iyo dhisidda ciidamada.

 

"Dalalkan Turkiga Qatar, imaaradka Ingiriiska iyo Mareykanka arimaha ammaanka ayay muhiimad gaar ah u leeyihiin oo ah tababarka ciidamada warbixinada sirdoonka iyo kabka dhaqaalaha, raashiinka ciidanka dhisidda xarumaha ciidanka," ayuu yiri Mr Caalin.

 

Waxaa uu xsuay in dalalkan ay dhammaantood ku lug leeyihiin arrimaha ciidamada Soomalaiya islamarkana talooyiinkooda loo arko kuwa muhiim ah.

 

"Marka Qadar laga reebo inta kale waxay ku jiraan mashaariicda ciidanka, Imaaraadka ku jira , Turkiga ku jira Mareykanka ku jira Ingriiska ku jira marka muhiimadda amniga iyo xasiloonida Soomalaiya ee dowladda beesha caalamku aqoonsan tahay ayaa markasta muhiimad ugu leeyihiin afarta dal iyo Qadar" ayuu inta aku daray.

 

Maxamed Axmed Caalim ayaa dhanka kale sheegay in kaalin ay ku yeelan karaan xal u helidda xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

"Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya iyagu waxay leeyihiin waa in wadahadal lagu dhameeyo waana muhiim in wadahadal lagu dhameeyo marka waxay u muuqataa in culeyska la saarayo dalka Soomalaiya maadaama Turkiga uu diyaariyay labo shir waxada moodeysaa inay iyagu hadda doonayaan inay dalka Turkiga ku xoojiyaan wadahadalada,"

 

Xiisadda u dhaxeeysa labada dal ee soomalaiya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareeray bishii January ka dib markii Itoobiya ay heshiis dhanka dhul badeedka ah la gashay jamhuuriyadda iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaliland.

 

Muqdisho ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan AS


ISHA BBC/SOMALI

     
Loading...