Isbedelka Soo Socdaa Waa Shan Iyo Toban Nooc Seddexda Bilood Ee U Horeeyaba La Bedeli.

Thursday October 03, 2024 - 07:42:37
Hadhwanaagtv
Dhaqaalaheenu Seddex Meelood Buu Ka Yimmaaddaa.



Inta aanaan Noocyada Isbedelka Soo Socdaa Yahay Aanaan U Guda Gelin Qof Kasta Oo Reer Somaliland Ahi Seddex Shay Oo Nolosha Ummaddeenu Ku Qotonto Waa In La Fahansanyey Allah Ka Sakow, Waana In Dugsiyada Lagu Bartaa.

 

1- Dhaqaalaheenu Seddex Meelood Buu Ka Yimmaaddaa.

 

A) Xoolaha Nool 70%.

b) lacagta Qurbaha laga soo shaqeeyo 20%.

c) wixii Mashaariic dalka Caawimo ku soo gaadha 6%.

 

d) beero/macdan/buchuubachaa iyo duudaa 4%.

 

Shan iyo tobanka arimood Ee Isbdeedalku Ku Dhacayo Waxaa Ugu Horeeya Ficilooyinka Guracan Ee Muse Biixi Ummmada Saboolka Ah Kula Dhaqmo 24 Saac Oo Walba. Intuu Telephone Ka Qabsado Uu Dawladoo Dhan Ka Dulboodo Uu Saldhig Booliis La Hadlo Ayuu Amraa Yidhaa Gurigaa Ama Shirkaddaa U Daata Qofkaana Soo Qabta Jeelasha Ii Toos Geeya Garaacana Iyadoon Dawladii Iyo Sharciba Lagu Baydhin. Taa Cabdirahmaan Cirro Ma Sameyndoon Lagana Fillimaayo Waa Isbedel.

 

Muse Biixi intuu Madaxweyne nimo ku fillaanweydo Inuu Joo Metre Noqdo Oo Isagiyo Caruurtiisa Iyo Walaaladii Dhulka⁸ Ka Boobaan Masaakiinta Uu Yidhaa Mayor Mooge Waan Dhirbaaxayaa , Waxaa Soo Dhan Cabdiraxman Ma Sameyndoono - Waa Isbedel.

 

Muse intuu cararo uu Cadawgii xabashi u tago dhulkii iyo baddii ka iibsado isagoo ummad iyo dawlad midna aan wax ka ogayn heshiis qarsoodiya la galo waa qarandumisnimo uu ku kacay , isagoo Afka Abur Ka Tuuraya Soo Noqday Taana Cabdiraxman Ma Samayn Doono Waa- Isbedel.

 

Magaalo Dhan Oo Somaliland Ah Intuu Hubkii Somaliland Hareeraa Kala Maray Ku Furo Madaafiic Kumaankun Ku Dhinteen Reer Somaliland Ahi , Tobonaankun Ku Dhaawacmeen Boqolaal Kunna Ku Barakaceen Halkaa Wadankii Somaliland Ku Kala Goay, Kala Xidhmay Dagaalo. Macluul Ka Dhalatay Waxaa Soo Kale Cabdiraxman Ma Samayndoona Waa Nuu Heshiisiin Reer Somaliland Oo Dhan - Qabto Iyana Waa Isbedelka E.

 

Muse Biixi lacagtii wadanka hogag buu u qotay markaasaa dadkii sicir barar saameeyey wax la cuno la iibsan kari waayey CABDIRAXMAN wuu soo celin dhaqaalaha tuugoo dhami wuu dhuuman - waa ISBEDEL.

 

Dhaliyarada Sirdoonka Leexsan Ee Dadka Guryaha Ku Garaaca Iyo Suuqyada Een Dawladda Somaliland Ka Mid Ahayn Muse Biixi Ka Amar Qaata. Dembiyo Badan Bay Wadanka Iyo Ummadda Ka Galeen Weyna Hubaysan Yihiin Isbedelka Cusubi Waxaa Wuu Suulin Doonaa ,Dhegdheer Dhimatoo Dhulkii Nabad Bay Noqon - Waa Isbedel.

 

Ethiopia Dhul Iyo Bad Somaliland Leedahay Qof Qudha Kama Iibsandoonto Si Sharci Darro Ah Kuma Qaadandoonto Dhulka Somalida- Iyana Waa Isbedel.

 

Mashaariicda Reer Somaliland Ka Soo Xero Geliso Adduunka Dad Tirsani Ma Joojin Doonaan Haddaanay Qayb Ka Qaadan Oo Imika La Is Hortaagay Shirkado Iyo Shaqo Abuur Badan - CabdirahmaanMa Sameyn Doono Waxaas - Iyana Waa Isbedel.

 

Ciidamo , Xeer Ilaliyaal, Xildhibaano Aan Sharciga U Shaqayn Ee Qof Ku Shaqaysto Way Istaagi- Iyana Waa Isbedel.

 

Dad Aan Aqoon Lahayn Iyo Garaad Oo Qaarkood Aanay Weligood Dugsi Soo Marin Oo Madax Looga Dhigo Wadanka Sida Xinnif Minnif Oo Kale Waa La Joojin - Iyana Waa Isbedel.

 

Askar Aan Tababaryn ,Qabyaaladaysan Oo Dadka Suuqa Ku Toogta Oo La Qariyo Iyo Daba Gale Oo (Condum) Muse Shacabka Ku Garaaco Noqday - Iyana Waa La Bedelayaa Xummaantaas Ummadda Haysata.

 

Qof Walawba Qor Liiska Waxa La Bedelidoono Ee Muse Biixi Ku Kharaabiyey Ummadda.

 

 

 

QORAA M BASHE.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...