Hooyadii Ruuxii Hagraday,Hadh Maaduu Kuu Jiidayaa,Hacooba Lagu Dagaaye,Hooriyow Falastiin Bal Eeg.

Wednesday September 25, 2024 - 17:35:50
hadhwanaag
Hayb Iyo Hilbo Wada Yihiino,Hortiisa Lagu Qalanayo,..



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A,S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Hooyadii Ninkii Hagraday,Hadh Maadu Kuu Jiidayaa,

 

Hubsiimo Waxa Kuugu Filan,Halku Falastiin Dhigoy,


 

Hayb Iyo Hilbo Wada Yihiino,Hortiisa Lagu Qalanayo,

 

Qaxoonti Ka Horjoogsadiyo,Gargaar Loo Hidin Lahayo,


 

Hubkii Ku Gubaayay Baanu,Hoygaaga Ku Soo Wadaayo,

 

Huq Iyo Ciil Iyo Colaad Baad,Dalkaaga U Horseedasaa,


 

Holacu Goortuu Isqabsado,Xaggee Baad U Hoyanaysa,

 

Hayaan Guurtay Sahan La’an,Halbawle Adiga Isjaray,


 

Hortaada Iyo Hareerahaaga,Hubsiima Kugu Wacnayd,

 

Hanaanka Qaran Lagu Hagiyo,Higaadiisaanad Barano,


 

Hacooyaa Kula Tashoo,Hunguri Baad Ku Heshiis Tahiin,

 

Hiinraac Aan Alabuur Lahayn,Hantiyo Urursado Rabaad,


 

Hogaankii U Dhiibateene,Haddayba Wax Idiin Hadhaanod,

 

Haleeshaan Mar Kale,Hinqada Halaag Sidaad U Baxdaan,


 

Haboonaan Iyo Hagaaga Hawiye,Hawiye Haysku Aminina,

 

Halista Waan Ku Wada Jira,Hanun Baanu Leenay Qoran.,


 

Ismail Abdillaahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...