Ma cuni laheyd cayayaanka, hadii ay leeyihiin dhadhan macaan?

Wednesday September 18, 2024 - 09:53:01
hadhwanaagnews
"Fakarka ah in cayiyaanka ay yihiin cunto joogto loo heli

Cayayaan

"Waa sida noocyada kala duwan ee doolshaha,” ayuu yiri cunto kariyihii oo ku dhiirogeliyay nin miiska cuntada laga qaato taagnaa si uu isugu dayo nooc ka mid ah cayiyaanka ee loo yaqaan kabajaan.

 

Waxaa loo keenay saxan ay ka buuxaan kabajaan bisbees lagu shubay iyo noocyo kale oo ka mid ah xasharaadka.


 

Cuntooyinka kale waxba kama duwaneen marka laga reebo in cunto kasta ay la socoto nooc ka mid ah cayiyaanka.


 

In ka badan 600 oo isugu jira seynisyahanno, dadka deegaanka aqoonta u leh iyo ganacsato ka kala yimid adduunka ayaa isugu yimid Singapore. Ujeedka safarkooda ayaa ahaa sidii ay cayiyaanka uga dhigi lahaayeen cunto macaan. Waxay ka qeybgalayen dhammaantood shir la doonayay in dunida lagu quudiyo cayiyaanka.


 

Dad gaaraya ilaa iyo labo bilyan oo ah rubuc dadka dunida ku nool ayaa cayiyaanka cuna maalin kasta sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.


 

Waxaa la doonayaa in dad badan ay ku soo biiran sida ay sheegeen kooxaha u ololeeyaya in cunista cayiyaanka ay tahay mid caafimaadka u wanaagsan.


 

"Waa in aad diraadda saarnaa sidii aan dhadhan ugu yeeli laheyn”, ayuu yiri Yoon oo ah cunto kariye deggan New York oo dadkii shirka ka soo qeybgalay u diyaariyay cunto uu ku jiro kabajaan.


 

"Fakarka ah in cayiyaanka ay yihiin cunto joogto loo heli karo oo nafaqo badan leh waxay wax ka qaban kartaa cunto yarid iyo waxyaabaha la midka ah” ayuu markale yiri cunto kariye Yoon.


 

Cilmibaaris ayaa lagu ogaaday in Kabajaanka uu leeyahay borotiin badan, in la xanaaneeyana uma baahno biyo badan iyo dhul marka la barbardhigo xoolaha aan hadda dhaqano.


 

Dalalka qaar ayaa dhiirogeliyay in la cuno cayiyaanka balse heerka dhiirogelintooda ayaan aheyn mid sidaa u weyn. Singapore waxay dhawaan ogolaatay in cunto laga dhigto 16 nooc oo ay ku jiraan doolshaanka, kabajaanka iyo shinida.


 

Dalal aan badneyn oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Australia, New Zealand, Kuuriyada Koonfureed iyo Thailand ayaa weli wada nidaaminta cayiyaanka la cunikaro. Ganacsiga cayiyaanka ayaa lagu qiyaasay in uu ku fadhiyo $400 milyan ilaa iyo $1.4 bilyan.

Cayayaan

 

Nicholas Low waa cunto kariye, waxa uu isku dayayaa sidii uu ku sameyn lahaa habab lagu karin karo cayiyaanka si looga dhigo cunto ay dadka isku dayikaraan.


 

Ilaa iyo markii ay Singapore ogolaatay in la kariyo cayiyaanka, qaar ka mid ah maqaayadaha waxay bilaabeen in ay isku dayaan. Maqaayadaha ayaa bilaabay in ay hilibka shiilan raaciyeen Kabajaan.


 

Maqaayad kale oo ku taal Tokyo dalka Japan ayaa muddo 10 sano ah macaamiisheeda ka iibineysay cayayaan.

Cayayaan

 

"Waxa ugu muhiimsan waa xiisaha ay qabaan macaamiisha” ayuu yiri Saeki Shinjiro oo cuntokariye ka ah maqaayad ku taal Tokyo.


 

"Marka laga hadlayo deegaanka, macaamiisha wax badan ma daneynayaan arrintaas” ayuu yiri Shinjiro.

 

Muddo qarniyaal ah ayey qeybo dunida ka mid ah ka soo jireen in cayiyaanka laga dhigto cunto.


 

Dalka Japan muddo ayaa laga cunayay Ayaxa, tixriga iyo cayiyaan kale. Arrintaas waxay ku badbaadeen dagaalkii labaad markii ay cuntada yaraatay.


 

Maanta tixriga iyo kabajaanka inta badan waxaa lagu iibiyaa suuqyada habeenkii dalka Thailand.

 

Khubarada cayayaanka ayaa ka walaacsan in dhaqamada cunista cayayaanka ay meesha ka baxayaan taas oo ay la xiriiriyeen sida dunida isugu furan tahay iyadoo dadka cuno hadda lala xiriirinayo saboolnimo.


 

"Waxaa jira dareen xooggan oo ceeb ah meelaha lahaa taariikhda cunista cayiyaanka sida Aisa, Afrika iyo Koonfurta Ameerika” ayuu yiri Joseph Yoon

Cayayaan

 

Julie Lesnik oo buug ka qortay cayiyaanka la cuni karo ayaa ku doodeysa in gumeysiga uu keenay in laysku ceebeeyo cunista cayiyaanka. Waxay qortay in Christopher Columbus iyo xubnihii la socday ay ku tilmaameen dugaag dadka asal loogu yimid Mareykanka ee cuno cayiyaanka.


 

Fakarka dadka wuu isbeddelaa. Cuntooyinka hadda qiimaha leh sida aargoosatada iyo Sushi waxay mar ahaayeen cuntooyin aan la aqoon. Aargoosatada waxaa loo yaqaanay digaaga dadka saboolka.


 

Khubarada qaar ayaa ku dhiirogeliya dadka in ay ku koriyaan caruurtaada sidii ay ugu dulqaadan lahaayeen cuntooyinka aan caadiga aheyn sida cayiyaanka, maxaa yeelay jiilka mustaqbalka waxay wajihi doonaan cawaaqibka dhibaatada isbeddelka cimilada.


 

Cayiyaanka waxaa laga yabaa in ay noqdaan cuntooyin qiimo leh mustaqbalka. Waxaa suuragal ah in si bilow ah loo cuno.


 

Nicholas Low wuxuu aaminsan yahay in aysan jirin wax dadka ku riixaya in ay beddelaan cuntadooda.


 

Waa suuragal in dhallinyarada ay diyaar u yihiin in ay tijaabiyaan xiisaha ay u qabaan darteed balse taasi ma sii jireyso.

ISHA BBC/SOMALI
     
Loading...