Waxaa Ka Akhrideen Hadhwanaag Website Wargeyska Ugu Dhexdhexaadsan Ugu Afka Dheer Somaliland Shan Iyo Toban Qodob Oo Khudbadiisii U Dambaysay Muse Biixi Cabdi Uu Yidhi Igu Doorta Reer Somaliland Oo Kala Ahaa
1- Hootaday Cadar Oo Iga Barbarfooda Si Ay Guusha Igu Hubsato, Bun Tirsi -Iga-Dheh.
Afar Iyo Tobanka Kale Waxaa Ka Mid Ahaa Laascaanood Iyo 25 August 2024 Goojacadde, Mou Gii, Jabouti Xidhiidhkii Aan U Jaray, Lacag Urusigayga Iyo Aargoosashadayda Iyo Amar Ku Taaglaytayda, Gacanlibaax Iyo Wixii La Xidhiidha Iyo Qaar Kaloo Badan.
Guuldarada Waxaa Igu Keenay Waxa Ugu Badan Afxumadii Anigiyo Xukuumadayda Hadana Wanaagga Shacabka Reer Somaliland Dad Badan Baa I Doortay In Kastoo Qaarna Igu Yidhaahdeen (Qiimigii Afkaagii Ka Madhay Qaanna Kugu Reeb).
Gebegebaddii Waxaa Iigu Daranbuu Yidhi Muse Biixi Caddaamaddii (M.O.U)Da Oo Gacantaydii Ku Dhimmatay.
Markaan Anigu Baashe Ahaan Adduun Weynaha Dhawr Iyo Afartan Sano Marayey Waxaan Ogaaday Oo Run Ah Inay Somalida Jirto Wax Aqoon Iyo Cilmi Ah Oo Ay Ku Hogaamiyaan Adduunka Taasoo Ah Garnaqsiga . Waxaan Odhan Karaa Jaamacadda U Weyn Adduunka Ee Garbaqsiga Waa Nolosha Somalida, Muse Biixi Reer Somaliland Farta Ayey Kula Garnaqsadeen Waanuu Qaadanayaa Gartiisa Ayaamaha Foodda Inagu Soo Haya.
WA BILAAHI TAWFIIQ
QORAA MOHAMED BASHE.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!