Xukuumada Muuse Biixi oo xidhay Suxufi Doonayey Inuu Ka Qayb Galo Doorashooyinka Somaliland

Saturday November 16, 2024 - 21:27:38
Xukuumada Muuse Biixi oo xidhay Suxufi Doonayey Inuu Ka Qayb Galo Doorashooyinka Somaliland

Xukuumada Muuse Biixi ayaa xabsiga dhigtay suxufi Jacfar Kuukaay oo ka socday idaacada VOA isla markaana doonayey inuu ka qayb galo doorashooyinkii ka dhacay Somaliland.

Wararku waxay xaqiijiyeen in suxufi Jacfar Kuukaay la qabtay wakhtigii uu ka soo degay madaarka magaalada Hargeysa ka dibna saacado kooban la xidhay markii laga qaaday telefankisa gacanta oo baadhis lagu sameeyey.

Suxufi Jacfar Kuukaay ayaa loo sheegay in telefankiisa laga helay waxyaabo ka soo horjeeda Somaliland isla markaana aan loo ogolaan doonin inuu ka qaybgalo doorashooyinka taas oo keentay in dib loogu celiyo diyaaradii uu la socday.

May be an image of 1 person, television and newsroom
     
Loading...