Xuska Dhalashadii Nebigeena Muxamed N.n.k.h

Tuesday September 10, 2024 - 19:39:00
Hadhwanaag
Quudinta Muslimiinta baahan



Bishan waa rabiicul Awal waa bil si walba uga soocan bilaha kale ee islaamka, tirsiga bilaha markaan fiirino waa bisha 3aadbilaha islaamka. Bishan waxay leedahay dheeraad weyn taas oo ay kamid tahay:


Dhalashadii Nebigeena Muxammed : 12-Rabiicul-awal waa ayaantii uu dhashay Nebi Muxamed: rasuulkii dunidan loo soo direy ee wax isaga oo kale oo kale ah aan mar dambe dunida lagu arki doonin, dhalashada nebigeena muxummadwaxay ahayd maalin ku wayn taariikhda Aadmiga. Taariikhyanadu waxay sheegaan in Bishan Rabiicul awal ay leedahay dheeraad (Fadli) badan oo ay kamid tahay: dhalashadii Nebiga, Hayaankii ama ka guuridii nebigu ka guuray Makka ee ku tagay Magaalada Madiina, iyo dhinaca kale tahay bishii uu dhintay nebigeena Muxammed (N.N.K.H). Aadmigu waxay ku sugnaayeen Gudcur dam ah, dhalashada suubanaheenu waxay u ahayd dunida Iftiin, hanuun weyn oo xaga Eebbe ka ahaaday.


Wuxu ku dhashay Makka sanadkii Maroodiga (عامالفيل), Hooyadii Aamina bintu wahaabwaxay dhimatay isagoo yar, waxa barbaariyey oo koriyey awoowgii Cabdumudalib kadibna Adeerkii Abu-daalib, wuxu noqday raaci xoolaad, Sanadihii uu dhalinyarada ahaa wuxu ka shaqeeyey Ganacsiga ilaa intu ka guursanayey Xaaskiisii 1aad hooyadii Mu’miniinta ee Khadiija bintu khuwaylat (Ilaah raali ha ahaadee) isagoo markaa jirey da’da 25 Gu’, khadiija waxay dhashay caruurta Nebiga oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariya Qibdiyah (Ilaah raali ha ahaadee).


Sanadkii 40aad ee da’diisa ayaa lagu soo dejiyey Dhambaalka "Waxyiga” rabaaniga ah, waxa loo doortay in fariinta fahanka diinta islaamka uu ugu yeedho dhamaan adoomada Eebbe weyne oo Ilaah kaligii ay caabudaan cid kale na aanay waxba la yeelan, wuxu hadiiba bilaabay habkii uu fariinta rabbi uu u gaarsiin lahaa dadkii markaa ay degaan wadaagta ahaayeen, wuxu Nebigu bilaabay inu si hoose (دعوته سرِّيَّة) u wado muddo 3 Gu’ ah. 13-kii Gu’ ee ka dambeeyey Nebigu wuxu bulshada ugu yeedhay si aan gabasho lahayn goobkasta iyo goor kasta.


Markii gaaladii Quraysheed ay ciqaabeen dadkii hanuunka qaatay, Nebigu wuxu amray bulshadiisa in Makka laga baxo tiraba laba jeer, mar la aaday dhinaca dhulka Geeska afrika ee xabashida iyo Hayaankii weynaa ee Magaalada Madina lagu aaday laguna dhisay Dawladda Islaamiga ah ee Nebi Muxummed (N.N.K.H) Hogaaminayey. Bishan oo kale waa bil mudan in laga sheekeeyey silicii iyo saxariirkii la soo mariyey Nebiga iyo Asxaabtiisa, dhinaca waa in laga sheekeeyo taariikhdii dahabiga ahayd ee Nebiga, Asxaabta iyo intii dhaganaha nuglayd hanuunka Alle qaadatay Jin iyo Insiba, geesta kale waa bil la xuso taariikhdaa muga weyn ee Nebiga soo socotay 23 Gu’ ee waayaha kala gedisan lahayd. Rabiicul-awal waa bil dadka Musliimiinta ay foogan yihiin:


1.Akhrinta Qur’aanka Ilaahay

2. Ammaanta Nebigiisa Muxammed N.N.K.H ﷺ

3. Quudinta Muslimiinta baahan

4.Kulamada lagu weynayo xuska dhalashada Nebigeena Muxammad N.N.K.H

Ugu dambayntii dheefta ugu weyn ee Bishan leedahay waa in la badiyo Saliga Xabiibkeena Muxammad ﷺkaas oo daawo iyo nolol wanaag u ah qofkasta oo muslimiinta kamid ah.

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...