Xukuumadda oo Jaaliyadaha ugu Baaqday inay Xuska 33 Guurada 18ka May Wacdaro ka Dhigaan Caalamka

Monday April 15, 2024 - 10:52:59
hadhawanaag
Waxaannu ku boorrinaynaa dhammaan guddiyada...


Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday qurbajoogga Somaliland ee dalalka caalamku inay wacdarro ka dhigaan dunida oo ay Qaddiyadda SOMALILAND ugu bandhigaan dawladaha caalamka.


 

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah. Kaasi oo u qornaa sidan:-


 

"Xuska Maalinta Qaran ee 18 May 2024 ee Sannad-Guurada 33aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland oo ku beegnayd 18 May 1991, waxaa uu ku soo beegmayaa sannadkan wakhti muhiim u ah taabbo-gelinta qaranimada SOMALILAND iyadoo guulo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeedba uu dalku gaadhay, is la markaana loo baahan yahay in shacabka Somaliland gudiyo dibad ba gacamaha isu qabsadaan ilaalinta danaha qarankooda.


 

Sidaa darteed, Agaasinka Xafiiska Qurba-joogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah SOMALILAND wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ururrada jaalliyadaha iyo guud ahaan bulsho-weynta qurba-joogga Somaliland ee ku baahsan daafaha caalamka, inay si buuxda ugu diyaar garoobaan oogista xus-qarameedka 18 May 2024, u gutaan si dareen waddaninimo, isku duubni, isku-tashi, wadajir bulsho iyo midnimo qaran leh, kana turjumaysa taageeridda horumarka iyo himilooyinka qaran, iyo waajibaadka ka saaran muwaadin kasta, difaaca, maamuuska iyo weynaynta karaamada qaranimo iyo taariikhda dalkiisa hooyo.


 

Waxaannu si gaar ah u bogaadinaynaa ururrada jaalliyadaha ee haatan bilaabay qaban-qaabada munaasibadaha xuska ee ka dhacaya wadamada kala duwan ee ay joogaan.


 

Waxaannu ku boorrinaynaa dhammaan guddiyada jaalliyadaha iyo qaban-qaabiyayaasha munaasibadaha inay ku dhaqmaan tilmaamaha qabashada xus-qarameedyada, kuna dedaalaan inay fursaddan uga faa’iidaystaan abaabulka, wacyigelinta, xoojinta isku xidhnaanshaha iyo dib u habaynta ururada jaalliyadaha qaarkood, sidoo kalena ay barnaamijyadoodu u dhacaan qaab gudbinaya farriinteenna, oo taageeraya qaddiyadda aqoonsi raadinta iyo xidhiidhka arrimaha dibedda SOMALILAND.”

     
Loading...