Waxa aan dhankayaga uga mahadcelinaynaa sida ay isugu ....
Waxa aannu maanta kulan dheer wada yeelannay Danjirayaal badan oo ka socday dalalka UK, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo si weyn uga soo geyb galay doorashadii isku sidkaneyd ee shalay inoo dhacday, goob-joogna ay uga noqdeen guushii uu gaadhay Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa aan dhankayaga uga mahadcelinaynaa sida ay isugu soo xil-qaameen in ay marag & markhaati uga noqdaan geeddisocodka dimuqraadiyadda dalkeenna iyo doorashooyinkeenaba oo ah hannaanka keliya ee uu shacbiga reer Somaliland ku doorto hoggaankiisa.