DEG DEG Gudida Ansixinta Ururada oo Koomishanka Dorashooyinka ku Wareejiyay Liiska Ururada Tarmaya.

Friday September 13, 2024 - 11:13:00
hadhwanaag
Geesta kale tirada rasmiga ah ee Ururrada u tartamaya inay ka mid noqdaan,,,


Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shalay xafiiskooda kagala wareegay Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka , liiska kama danbays ka ah ee Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasada ee ka qayb-gelidoona Doorashooyinka Madaxweynaha ,Ku-xigeenka ee November 13 2024.


 

Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka JSL ayaa sidoo kale shaaciyey liiska Ururrada iyo Xisbiyada ee u tartami doona doorashada lagu wado inay ay qabsoonto November 13, 2024 ee sanadkan aynu ku jirno.

 

Geesta kale tirada rasmiga ah ee Ururrada u tartamaya inay ka mid noqdaan saddexda Xisbi ee Somaliland ayaa sida Gudidda Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku sheegeen waxa ay ka kooban yihiin Todoba(7) Urur Siyaasadeed oo kala ah.

 

Ururka Barwaaqo 2. Ururka Talo Wadaag

Ururka Rajo 4. Ururka Shacabka

Ururka KAAH 6. Ururka Hilaac

Ururka Horseed

Gaga-gabadii waxay guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta axsaabta Qaranka sheegeen in tirada asxaabta Qaranka ee taratamayaa ay kala yihiin. Xisbiga Kulmiye, Xisbiga Wadani iyo Xisbiga Ucid. Kuwaas oo u tartami doona kursiga Madaxweynaha iyo Madaxwayne Ku-Xigeenka.

 

 

     
Loading...