Shirka Wada tashiga iyo Dib u eegista xeerka Ururada aan Dawliga Ahayn oo ka Furmay Hargeysa

Thursday August 01, 2024 - 08:25:42
hadhwanaagtv
Intuu uu kulankuu socdayna agaasimaha waaxda isku duwida


Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Somaliland, Mudane Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaaxarunta wasaaraddaasi ka furay shirka wada tashiga ee dib u eegista xeerka ururada aan dawliga ahayn.


 

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan dalladaha ay ku midaysan yihiin ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland (NGO consortium), oo ka kooban hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawl gala gudaha Somaliland.


 

Intuu uu kulankuu socdayna agaasimaha waaxda isku duwida wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland Axmed Ibraahim ayaa soo bandhigay xeerka ururada aan dawladiga ahayn, waxaana halkaasi dood iyo falaqan laga galay sidii xeerka wax ka badal iyo kaabis lagu samayn lahaa.


 

Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa waday qorshe ay ku horumarinayso adeegbixinta ururada aan dowliga ah.

     
Loading...